Press "Enter" to skip to content

Dhurwaale

Gabaygan taariikhdiisa oo dhan iyo gabayo kale oo laga tiriyey dagaalkii Dhurwaale halkan ka eeg: Taatiikh iyo Gabayo

  • Maansada Cabdiyo Nuurba way, igu canaanteene

  • Ciroolahaa i waydiiyay iyo, culimadaan diidaye

  • Cismaan iyo adaan Jaamacaw, kuu camirayaaye

  • Ka cudhaadha cawaan sidii, ceel idiin shubiye

  • Carab iyo Gurey waatii uu, cunay waraabuhuye

  • Cabdilaahi Nuux iyo Salaan, ciida lagu aasye

  • Cawil Eebbe mooyee Khaliif, ka cifan maysaane

  • Cadaab ma arke Aw Yuusuf baan, ciilkii duubnahaye

  • Ceeblaawihii layga qaad, caalinka ahaaye

  • Nin Cadaawe riixaa ka madhay, cuurka Reer Dalale

  • Iyagu soo ceshaa iyo innagu, kula carrawnaaba

  • Jeeroo col kale soo baxoo, qolo la ciiryoonto

  • Ama ay wax kala caad baxaan, sida cirkoo hooray

  • Intay Baho cadceed iga xigaan, caafimaad dhimaye

  • Afaan Ciidagale ugu gabyaa, iima caad bixine

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r