Press "Enter" to skip to content

Dhidib u aas

Qamaan oo ka xogwaramaya siddii iyo sababtii uu isagu keenay qoysaskii Reer Magan ee uu ku mideeyey dalladda Baha Magan ayaa gabagan hoose mariyey. Wuxuu sheegay in haybaddii iyo hormuudnimadii uu tolka dhexdiisa ku lahaa korodhay oo raganimadii, aftahanimadii iyo gabayaanimadii ay ugu soo biirtay xoog iyo tol weyn. Wuxuu qeexay dhibkii uu u maray aasaaska Baha Magan inuu dheeftiisii helay oo gaal iyo Islaanba cududiisa iyo ciidankiisa la tixgaliyey dhinacna looga leexday.

Gabaygu intan wuu ka dheer yahay, laakiin waxa hadda naga soo gaadhay waa meerisyadan hoose. Wuxuu yidhi:

  • Anigoo dhukaan iyo sidii dhugato lay moodo
  • Dhulka inaan ka jiitiyo anooy, dhimasho ii joogto
  • Oo dhabarka raayaha marsaday, sida dhabeel naag ah
  • Dhadig iyo labood anigoo, kala dhex joogood ah
  • Oon dheefta cunin oo misana, dhogor madoobaaday
  • Miyaan dhudaha Reer Magan Warfaa, dhaar u kala qaaday
  • Oon dhaabad laysugu xidhmiyo, hal u dhaxaysiiyey
  • Nin dhib galay waxbuu ugu xishaye, dhidibka maw aasay
  • Dhaandhaanka tagay sow Berbera, lama dhaqaalaynin
  • Sow gaalka dhoorkale dadkii, wax uma dheeraynin
  • Sow dhabanno-hays iyo la yaab, kaa aan dhigay ma aha
  • Sow haatan dhuubkiyo mudadadu, igu dhamaanmayso

Soo dhamaystir …

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r