Press "Enter" to skip to content

Dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Shabeelaha dhexe

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka lagu magacaabo Qaahira ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ku dilay ilaa toddobo (7) dhagar-qabe oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Khawaarijta, iyada oo sidoo kale weerarkaas lagu burburiyay kayd hub iyo xarumo gabbaad u ahaa Khawaarijta.

Hawlgalkan oo la fuliyay xalay gelinkii dambe ayaa daba socday howlgalkii maalmo ka hor lagu bartilmaameedsaday koox Horjoogeyaal ah oo ku shirayay guri ku yaalay deegaanka Maxaa Saciid ee isla Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu soo afjaray nolosha ilaa shan Horjooge halka seddax kalana dhaawac culus lagu gaarsiiyay.

Markale, waxaa lagu wargelinayaa dadka rayidka ah, in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Khawaariijta, oo mar kasta bartilmaameed u ah Ciidanka Qaranka. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r