Press "Enter" to skip to content

Dhab ka Hadal

Gabaygan khatarta ah ee ay ka dhexmuuqato inuu Macallinku mariyey kolkii uu ka baxsaday dawladii Maxamed Siyaad iyo taariikhdiisiiba soo raadi oo nasoo gaadhsii muggii aad hesho.

  • Dhabbe saxan dhayaalkii makrigeed u dhalandhooshay

  • Fikradaad dhiraandhirin jirteed dhaaxa daba joogtay

  • Halgan dhanba adoo bari dhexgalay oo kusoo dhididay

  • Inaad dhaliso gool iyo inaad dhimato mooyaane

  • Dhexdhexaad inaad kaga hadhaa waa dhabcaalnimo e

  • Fikradaad dhiraandhirin jirteed dhaaxa daba joogtay

  • Dhukusaad mar bay yeelan iyo dhuudis gaadmo ahe

  • Kolla orod dhabaabaca noqdiyo waa dhakhso u roore

  • Dhadhaab kaa horjeediyo adoo dhiibo filanaaya

  • Dhiigiyo naftaadana huroon dharabo eegaynin

  • Oon dad nacabku dhaansaday hadhow yeelan dhaxalkaaga

  • Dhadhamiyo dhamcaatiyo adoon dheef u xilanaynin

  • Dhammaanteed adoo saa u garan ama u dhawraaya

  • Halgan dhaawac loogama hakado dhimasho yeelkeede

  • In dhawayd dhawaaqii badnaa waanigii dhimaye

  • Mase dhoofin mana dhuuman mana dhaqaaq dayne

  • Ma dhabarin is dhuudhuubiduna ma aha dhalankaye

  • Dhajiyaha xinjiro dhaadhigiyo dheri karshaagiisa

  • Af-weynaha dhargiyo kaan la dhiman dharagse diidaynin

  • Wax kalaa dhuftay leeyihiin malaha Dhoodaane

  • Dhankalaaso waanigii aqiin tuugu dhaygago e

  • Dharbaaxooyinkaygii cuslaa waan la dhacyaaye

  • Intaan dhabarka kaga joogsadoon dhiico ugu yeelo

  • Waa inuu dhafoorkuba qarxoo dhaga dilaacaane

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r