Xukuumadda Federalka ah ee Somalia ayaa ku eedaysay xubnaha golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed inay ka dambeeyeen fashilka ku yimid shirkii arrimaha doorashooyinka ee dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Federalka ah ee Somalia Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in golaha Mustaqbalku lee yihiin Mas’uuliyadda fashilkii ku yimid shirkii ka dhacay Villa Somalia.
“Golaha Mustaqbalka ayaa leh mas’uuliyaddii burburka shirka, iyaga ayaa keenay shuruudo aan dastuuri ahayn sida, inay talo ku yeeshaan doorashada maamul goboleedyada dhimman, dowladdu tanaasul badan ayey ka samaysay welina albaabkeedu waa furan yahay”, Ayuu yiri Wasiir Al-caddaala.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa bayaan ka soo baxay ku sheegay in Madaxda dowladdu fashiliyeen shirka isla markaana doonayaan hirgelinta damocooda muddo kororsiga iyo hirgelinta doorashooyin aan heshiis lagu ahayn.
Xigasho: Horseed Media





Be First to Comment