Press "Enter" to skip to content

Degmooyinka Kismaayo iyo Dhuusamareeb oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka Ramadaanka

Muqdisho.SONNA…Degmada Kismaayo ayaa xalay Tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka ka reebtay degmada Warta-nabadda,halka Degmada Dhuusamareeb ay iyaduna ka adkaatay dhigeeda Xaradheere.

Degmada Kismaayo ayaa heshay 10 dhibcood,halka Degmaga Dhuusa mareeb ay iyaduna keensatay 12 dhibcood tartan ay la galeen Warta-nabadda iyo Xaradheere oo helay 4 iyo 6 dhibcood.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ayaa waxa uu galay sanadkii lix iyo tobnaad ,iyadoo sanadkaan ay si wadajir ah u taaba-gelinayaan maamulada Bangiga IBS iyo kan Gobolka Banaadir.

Sanad kasta barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha ramadaan waxaa ka qeybgala 32 degmo oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,waxaana degmadii ku guuleysata tartankaasi lagu abaalmariyaa koobab,lacago iyo abaalmarinno kale sida shahaadooyin muujinaya kaalinta aqoon ee ay gaareen dhallinyarada jiilasha cusub ee soo koroya.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r