Muqdisho (SONNA): Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo tobnaad, isla markaana ay qabanayso Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, ayaa si toos ah habeen kasta uga baxa Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed iyo Radio Muqdisho.
Xalay waxaa tartan cilmiiyeedka ku loollamay degmooyinka Xudur iyo Boondheere, oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Bakool,iyadoo Barnaamijkaan ay si wadajir ah u taaba-gelinayaan Bangiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Degmada Xudur ayaa xalay u gudubtay wareegga labaad ee tartanka, kaddib markii ay heshay 12 dhibcood, halka Degmada Boondheere ay keensatay 8 dhibcood.
Sanad kasta barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha ramadaan waxaa ka qeybgala 32 degmo oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,waxaana degmadii ku guuleysata tartankaasi lagu abaalmariyaa koobab,lacago iyo abaalmarinno kale sida shahaadooyin muujinaya kaalinta aqoon ee ay gaareen dhallinyarada jiilasha cusub ee soo koroya.


Be First to Comment