Press "Enter" to skip to content

Degmada Dhahar oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka bisha Ramadaan

Muqdisho (SONNA): Degmada Dhahar oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilimyeedka bisha ramadaan, kaddib markii 10 dhibcood ay kaga adkaatay Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay,taas oo heshay 2 dhibcood.

Tartankaan oo habeen kasta laga sii daayo Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, ayaa waxaa si toos ah looga daawadaa Telefishinka Qaranka,iyadoo sidoo kale laga  dhageysto Radio Muqdisho.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo tobnaad waxaa sanadkaan si wadajir ah u taaba-gelinaya Bangiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Sanad kasta barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha ramadaan waxaa ka qeybgala 32 degmo oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,waxaana degmadii ku guuleysata tartankaasi lagu abaalmariyaa koobab,lacago iyo abaalmarinno kale sida shahaadooyin muujinaya kaalinta aqoon ee ay gaareen dhallinyarada jiilasha cusub ee soo koroya.

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r