Press "Enter" to skip to content

Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay shacabka ay saameysay abaarta ee ku nool bariga Gobolka Mudug

Muqdisho(SONNA);-Ku dhowaad 130 qoys oo ku dhaqan deegaannada Afbarwaaqo, Qoriweyn iyo tuulooyinka hoos yimaada, kuwaas oo ay si weyn u saameysay abaarta ka jirta qaybo ka mid ah bariga Gobolka Mudug, ayaa la gaarsiiyay deeq isugu jirta raashin, biyo iyo xoolo nool.

Deeqdan ayaa ka timid ganacsade Khadar Nuur Maxamed, oo ka mid ah aqoonyahannada ku nool magaalada Muqdisho,ayaa kusoo aaday xili abaaro daran ay ka jiraan qeyba kamid Gobolka Mudug.

Maamulka Degmada Afbarwaaqo iyo odayaasha dhaqanka ee deegaannadaasi ayaa si weyn uga mahadceliyay deeqda la soo gaarsiiyay shacabka, iyagoo tilmaamay inay kusoo beegantay xilli ay dadka deegaanku baahi xooggan u qabeen gargaar bani’aadannimo, maadaama ay jireen duruufo nololeed oo adag oo ka dhashay abaarta.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen ganacsatada kale iyo hay’adaha samafalka inay ku daydaan tallaabadan, si loo garab istaago qoysaska danyarta ah ee wali wajahaya saameynta abaarta ka jirta bariga Gobolka Mudug.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r