- Yaasiinow adigaa dib ugu noqon, dagalladeeniiye
- Dooxii Hargaysaad adigaa, daakhilka u galiye
- Duqaydii markaad gaadho iyo, danabyadii joogay
- Durba Maxamed waa inaad, warkaa ugu dadaashaa
- Adoon dabacsanayn waa inaad, dood u marisaa
- Dalkeenii maqnaa Xabashidii, looga dacaree dheh
- Wiilashaad dirteen waxay noqdeen, rag aan dakaameyn dheh
- Damqashadaba waa rag aan aqoon, oon dabci lahayn dheh
- Dabkii ay shideen wuxuu ahaa, damal aan qiiqayn dheh
- Digtooniday halkaa kaga baxeen, wali ma sii dayn dheh
- Duruustiinii baa lagu socdaa, damina maayaan dheh
- Dadaalkoodu waa sida cagaar, doog usoo baxay dheh
- Dan Soomaali mooye mid kale, dayiba maayaan dheh
- Allay lehe da’dii bay noqdeen, aan ku diirsaday dheh
- Warqadaa daboolkiyo markaad, diirka uga qaado
- Dood kalana waa inaad markaa, dib ugu laabtaaye
- Digtii hore Dhurwaaliyo markii, Qaaxo la is diiday
- Siddeed kaare oy wada dileen, waan dul joogsaday dheh
- Dabaqlaydii way madhatay oo, duugahaa maray dheh
- Doofaarkii iyo way dhinteen, dibigii weynaa dheh
- Maydkoodu wuu daadasanaa, dooxyadoo idil dheh
- Oo haadkii ku dacarooday baa, diiday hilibkii dheh
- Daafidii ay wateen iyo la qaaday, dahabkii saaraa dheh
- Dabkii aan ka furanay kobuu, dadab u yaalaa dheh
- Dacaskii iyo kabihii buudhkiibay, wadar ku doorsheen dheh
- Dirayskiina way wada furteen, dun iyo shaalkii dheh
- Durba saacadii iyo koodhkii bay, dam isku siiyeen dheh
- Fidaa’iyiintu meeshaan u diro, kama dakaamaan dheh
- Dakanada kuwii qabayna, way dabacsanaayeen dheh
- Annagaan ku daynine runtii, way damqanayeen dheh
- Kuwaad adigu daaraha qarxiyo, deynabada siisay
- Meeshay diyaar ugu noqdaan, dib uga faaloo dheh
- Gaadhigay soo diraan iyo markaan, taangigii duminay
- Dacallada Kamiin iyo markii, Boobe lagu daaray
- Dab inay shitaan iyo markaan, daawo uga dhaartay
- Dushaa sare wax heehaabi bay, daraf ka keenee dheh
- Oo Miig samada duuliyo Jet baa, laygu daydayey dheh
- Saldhigii aan degaynay iyo halkii, ay darintu noo tiilay
- Dhaawicii dushaasay aroor, nagu duqeeyeen dheh
- Madficii ay dudada noo dhigeen, ruuxna dili waa dheh
- Gamuunkuu dalbaday Yuusuf, ee dibada noo yiilay
- Dam markay kusiiyaanba, way daba maraysaa dheh
- Diinta unbaa bir noo noqotayoo, lagu difaacaa dheh
- Afartaa wax layskuma daree, deel maka higaadshay
- Durbaan iyo daf iyo muusik iyo, daramal ma u qaatay
- Ma ka daayey deelqaafku waa, kaa dilaa gabaye
- Doc ka fuulka kaadsiiyahaan, uga door bidaye
- Intaan danafta raadkiisu jiray, anigu doonaayey
- Een daahay la i mood inaan, daayey gabaygiiye
- Kolse haddan dawaarkii rogeen, diiradda u qaato
- Dulucdiyo ujeedada nafwaha, dood-cilmiyadayda
- Danta aan ka leeyahay xikmadan, Daayin igu beeray
- Dabcan inay abwaanadu gartaan, saan u daadagaye
- Ku darso oo mid kale hoo hadaad, daristay taan sheegay
- Dushii Muli ilaa Daaqatiyo, Erar dillaaceeda
- Dagaal iyo markii weerar iyo, gaadmo lagu deyray
- Geesigu balaynkuu dajiyey, bay dabar go’ qaateene dheh (plan)
- Dhiigoodii durduray laaguhuu, wali duljoogaa dheh
- Degta Fadis, Gobayle-Mujiyo, Julul, webiga daaciisa
- Dalkaa aan hore usoo sheegay baan, diib u soconaa dheh
- Nina laysma diidee xaqaa, lagu dadaalaa dheh
- Dumarkiyo caruurtiyo habluhu, malaha deel-qaaf dheh
- Mahmarkiina waysoo diteen, gaalku duufsaday dheh
- Dalkuna inuu xoroobo yaan rajayn, deyrtan manta ah dheh
- Dusha inaanu calankii sudhnayoon, Adari doonayno
- Oonaan dib uga laabanayna, mari dabuubteeda
- In dagaaladii wali socdaan, mari dabuubteeda
- Daarihii la riday kaamashii, lagu duqaynaayey
- Aar-biigihii lagu dalbaday, mari dabuubteeda (RBG)
- …
Dhabcan in baa maqan ee soo dhamystir haddii aad hayso.
Be First to Comment