Muqdisho — Machadka Cilmi Baarista iyo Daraasaadka ee Heritage ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa shalay soo saaray daraasad gorfaynaysa caqabadaha ku xeeran iyo fursadaha ka jira adeegyada dowliga ah ee Soomaaliya.
Daraasaddan ayaa ku doodeysa in hirgalinta nimaad shaqaale xulasho oo ku dhisan xirfado iyo tayooyin shaqo-aqoonnimo ay lafdhabar u tahay soo jiidashada cudud-shaqaale oo ku hubaysan karti iyo hufnaan.
Maxamed Colaad Xassan ayaa daraasaddan ka wareystay qoraaga daraasadda Cawaale Xuseen Cabdi, oo ku xeeldheer cilmiga karaanka bulshada, ama wax afka qalaad lagu yirahdo Human Resource.
Comments are closed.