Press "Enter" to skip to content

Danjire Ilyaas Cali Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kinshaasa

Kinshaasa.(SONNA):- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalla Tanzania iyo Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) Mudane Ilyaas Cali Xasan, ayaa maanta tegay magaalada Kinshasa ee caasimada dalka DRC Congo.

Danjire Ilyaas oo sidoo kale ah danjiraha aan deegaan ahayn ee shan Waddan oo ay ku jirto DRC Congo ayaa hogaaminaya wafdi heer sarre ah oo magaaladda Kinshasa u tagay booqasho shaqo taas oo maalmo qaadan doonta.

Masuuliyiin ka socota wasaaradda arrimaha dibadda dalka DRC Congo iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa garoonka diyaaradaha N’djili ku soo dhoweeyeen wafdiga safiirka.

Dhanka kale, Danjire Ilyaas oo u mahadnaqay mas’uuliyiinta iyo Jaaliyada Soomaaaliyeed ee soo dhaweysay ayaa waxa uu sheegay in mudada uu Kinshasa ku sugan yahay uu u kuurgali doono xaaladda muwaadiniinta Soomaaliya iyo sidii loogu fududeyn lahaa adeegyadda ay u baahan yihiin.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r