Press "Enter" to skip to content

Danjire Awaare oo ka qaybgalay kulanka wakiillada joogtada ah ee Jaamacadda Carabta

Qaahira (SONNA): Danjiraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare,oo maanta ka qayb galay kulanka meertada 164-aad ee Wakiillada joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta,ayaa kalmad ka jeediyay madasha.

Danjire Awaare ayaa uga mahadceliyey Ururka Jaamacadda Carabta iyo Wakiillada Joogtada ah,sida wanaagsan ee ay u taageereen Dalabka Soomaaliya ee ahaa in laga cafiyo deymihihii isgaaray muddo 38 Sano ah oo aanan la bixin dhaqaalaha sanadlaha ah ee xubinnimada,taasoo la go’aamiyay cafinta 75% deymahaasi.

Danjiraha ayaa tallaabadan ku tilmaamay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Dawladda Soomaaliya,isla markaana Safaaraddu ka miradhalisay dadaalkii ay u gashay arrintan iyadoo laga duulayo jihaynta Madaxda Qaranka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r