Press "Enter" to skip to content

Cumar Fakad

Waa gabay ka mid ah gabayadii ay isdhaafsadeen Fakad iyo raggii la safnaa ee Ogaadeen iyo kuwii Isaaq 1980aadkii. Gabaygu wuu dheeryahay markuuse meel dambe marayo ayuu labakaclaynayaa oo uu isu rogoyaa geeraar. Wuxuu gabaygani jawaab toos ah u yahay mid uu tiriyey nin la yidhaahdo Dheeg oo Ciidagale ah. Gabaygaa wuxuu Dheeg ku leeyahay dalkaba annaggaa leh, Soomaali oo dhanna wuu jaa’ifaynayaa. Madaxdii Jamhuuriyadda maamulaysay kuwoodii ugu sarreeyey sida Maxamed Siyaad, Maxamed Cali Samatar iyo maamulkii Waqooyi Galbeed sida Salxaan iyo cid walba waxbuu saa ugu daadinayaa. Gabayga Dheeg waxaa kamid ahaa meerisyadan:

  • Dir iyo Irir baanu nahay labada daamoode

  • Dabatada faraha dheer leh iyo Diini iyo Boontu

  • Meeshay kasoo dalabsadeen yeyga degi wayday.

Haddaba Fakad ayaa gabaygan hoose ugu jawaabay.Wuxuu yidhi:

  • Waayadan daliilkii wagliyo, daayey gabaygiiye

  • Kolba aniga oo diidanbaa, duul i kiciyaaye

  • Dibnahayga goortaan xidheey, damalo oogaane

  • Dab munaafaq shiday wuxuu gubaa, mu’min daacad ahe

  • Abidkay dagaal waxaygu odhan, deris ma ceebayne

  • Degenaansho waw leenahiyo, dul iyo iimaane

  • Hayeeshee dakanadayda, waan daba galaayaaye

  • Maantana war bay soo direen, Doxorkii Iidoore

  • Doc-ka-yeedhka hadalkoodii baa, soo dabayshadaye

  • Iyagoon dalkaba jooginbay, doonayaan libine

  • Dulligaa Isaaq waxaa ka dhigay, dawlad caasiga e

  • Intay gaalo dabaroorayeen, madhay dadkoodiiye

  • Dibba wax uma sii fiiriyaan, duulka waalanuye

  • Waa niman daroogiyo khamrigu, diiqad galiyeene

  • Waa niman dareenkii ka lumayoon, dawo lahayne

  • Waxa Dheeg daluumaha ka riday, waa damiinimo e

  • Malaha wuu deyeysnaa markuu, duubay heesaha e

  • Dawarsiga shisheeyaha kaliyo, doolarkaa hodaye

  • Doqon dharagtay waa lagu yaqaan, daaca qudhunkaase

  • Doolliga firxadayow inaan, dabino kuu qoolay

  • Ood dalaq ku odhan waad ogtahay, deyrka kuu dhigane

  • Intii aan dubbaha kuula iman, dalamso xaaraanta

  • Kolba dawdar waalani af-xumo, hayska diixsado e

  • Dacaayadaha ha u faafiyeen, dunida qaarkeede

  • Daba-dhilifka Ruush iyo Amxaar, ha u durbaan tumo e

  • Duulkooda soo hadhay safraha, hayska didiyeene

  • Dariiqyada intay joogsadaan, duurka iyo hawdka

  • Danbiil naagi ay sidato iyo…………………………….

  • Dooliga firxadayow inaan, dabino kuu qoolay

  • Ood dalaq ku odhan waad ogtahay, deyrka kuu dhigane

  • Intii aan dubbaha kuula iman, dalamso xaaraanta

  • Afartaa wax layskuma daree, dirato maw sheegay

  • Ma daleeyey maansada intaan, diiradda u eegay

  • Dulucdiyo ujeedada anoon, dacal is weydaarin

  • Wali doodu way furan tahaye, hayska sii durugto

  • War Dir haddii aad tihiin amase Irir, ma aanan diideene

  • Dab qaraabo idinkoon ahayn, haysku soo darine

  • Anigaaba kaa diir xigoon, duray wadaagnaaye

  • Doonbiro dirkii ay dhashayoo, duuban baa nahaye

  • Dad is raba inaad kala dishaan, waa habeen dumaye

  • Adunbaase dorraad nagu lahaa, duul kalaan ahaye

  • Durriyadaydun noo sheegateen, diide maanatana e

  • Doolaaladii iyo Shariif, duubte Caliyow e

  • Labadaada daan iyo ilkuhu, way is durayaane

  • Ha dafirin duqii iidin dhaliyo, dihashadii hooyo

  • Inaan doorsimaad noogu timid, waa dariiq runahe

  • Dacaloon………., maanta waa kama dambaystiiye

  • Afartaa wax layskuma daree, dirato maw sheegay

  • Ma daleeyey maansada intaan, diiradda u eegay

  • Dulucdiyo ujeedada anoon, dacal is weydaarin

  • Wali doodu way furan tahaye, hayska sii durugto

  • Dirridii Libaax Qawdhan iyo, dirirtii Buuhoodle

  • Haddii aan dagaaladii ka dhacay, dib uga faaloodo

  • Darandoori moogada tanaa, ooga sii darane

  • Dunta Habar Jecliyo Ciidagale, dacatigii gaadhay

  • Daan Dhagax dabaabadaha maray, dooxa kala jiidhay

  • Sacad Muusihii doobyi jiray, diiqadiyo yuuska

  • Dumayeeyda naagaha hayiyo, dumarka ooyaaya

  • Hablahiina ay dixan ilmadu, dililiqlaynayso

  • Haddii aan raggoodii la dilin, damac ma ooyeene

  • Asaydii u diidiyo inaa, duubcad loo xidho e

  • Lafta daadsan duumaha ka badan, duurka iyo geedka

  • Maydkaa dafuufiyo bakhtiga, dogob sidii yaala

  • Dacuun miyaa galay haddaan, diirradluhu leefin

  • Mise waad ku digan reerahaan, daniba kaa haynin

  • Afartaa wax layskuma daree, dirato maw sheegay

  • Ma daleeyey maansada intaan, diiradda u eegay

  • Dulucdiyo ujeedada anoon, dacal is weydaarin

  • Wali doodu way furan tahaye, hayska sii durugto

  • War dalkaad sheegan dooxyaha Nugaal, dagalka Laascaano

  • Dusha Caynabaad iyo Burciyo, dixida Gaaroodi

  • Daaraha Taleex iyo Sanaag, darafka Boosaaso

  • Dogob iyo degmada Cabudqaaw, Doollo iyo Caado

  • Dusha Mudug Dannood iyo Wardheer, Daaqatiyo Faafan

  • Dildilaaca Jarareed halkay, dabac ka foofaysay

  • Dirri Sheekh Xuseen Baali iyo, diilimahaa Adari

  • Qabri Dahare daantaa Godey, dahabka Mooyaale

  • Dadabtaa Wajeer NFD, Koonfur dabadeeda

  • Dalsankii Kismaayo iyo Luuq, dawlad badanleyda

  • Durdurada Shabeele iyo Gebi, tan iyo Daalooti

  • Intaasuu tolkay daadsan yahay, kuna dakeeyaaye

  • Magaca aad sheegi waa, dawlad xoog badane

  • War Darood ku fuul kaama dago, daayin abidkaaye

  • Intaad dunida nooshahay anunbaa, duudka kaa rarane

  • Dacay adag waxaan kuugu xidhay, daalinbaad tahaye

  • Haddaan dabarka kaa furi lahayn, amaanu kaa dayno

  • Duunyadii waraabuhu cuniyo, daayacbaad noqone

  • Dalanbaabiyahow meel xunbaad, dubuq tidhaahdaane

  • Nin Amxaaro Daafida u karin, amase Doofaarka

  • Dabeecuu u leeyahay Isaaq, gaalo daba jooge

  • Dillaal iyo hunguri waa wixii, dilay awowgoode

  • Dalkay gadan lahaayeen haddaan, laga deyrayne

  • Bal inaan danbaabiyo inaan, run idin deeqsiiyey

  • Darwiishkiiba waa kii lahaa, duulku waa nacabe

  • Aniguna dugaag inay yihiin, waan kasoo digaye

  • Diiwaanka waxa loogu dhigay, Dabacayuun eega

  • Dalkoo nabad ah Soomaaliyoo, ul iyo diirkeed ah

  • Dab intay ku oogaan qabiil, way ku dumiyaane

  • Dululaati baw muuqda iyo, duul iblays wado e

  • Bal dab aabahood la naar gali, Dabacayuun eega

  • Daqsi malagii galay baa ku dhaca, daamur iyo beyle

  • Dabka Baalalay waxa ku riday, waa diciifnimo e

  • Waa dawgal Iidoor wuxuu, noo damaaciyeye

  • Bal dab aabahood naar la gali, Dabacayuun eega

  • Daqsi malagii galay baa ku dhaca daamur iyo bayle

  • Dabka baalaleey waxa ku riday waa daciifnimo e

  • Waa dawgal Iidoor wuxuu noo damaaciyeye

  • Bal dab aabahood naar la gali, Dabacayuun eega

Afartaa daleeyeye waa dooda gabaygeeDacwad kalana maansada bal aan idin durduureeWar Daarood Ismaaciil waa dawlad xoog leheWar Daarood Ismaaciil waa deyrka qarankeeWar Daarood Ismaaciil calankaa dugsanayeeWar Daarood Ismaaciil daba-dhilif ma raaceeWar Daarood Ismaaciil duli yeeli maayeeWar Daarood Ismaaciil dad ma kala xigtaysteeWar Daarood Ismaaciil ma danaysto kaligiiyeWar Daarood Ismaaciil geesi daadaheeyiyoWar Daarood Ismaaciil diric kama dhamaadeeDaarood Ismaaciil adunbaa ka dudayeeDaarood Ismaaciil dariiqooda soo raacHaddii kale dameeryahow dulligaa ku noolowBanfis IBanfis IIYuusuf Colaad IYuusuf Colaad IIMakayteIMakayte IIMakayte IIIFakad IIFakad III

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r