Press "Enter" to skip to content

Culimada Soomaaliyeed oo maanta khudbadii jumcaha kaga hadlay ilaalinta Midnimada Dalka

Muqdisho(SONNA):-Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta khudbadii jumcaha kaga hadlay ilaalinta midnimada dalka iyo dadka,culimada kala joogta caasimadda iyo gobolada dalka ayaa si isku mid ah meel adag uga istaagay damaca Israa’iil rabto in ay ku waxyeelayso midnimada dhulka Soomaaliyeed.

Sh Cabdillaahi Gaab oo ka mid ah culimada sida adag uga hadlay damaca yuhuuda ayaa yiri “Dhagarta Yahuuda horay ayaa Islaamka looga digay Allah ayaa Qur’aanka Kariimka ah noogu sheegay, majirto wax aan ka faa’iideyno Israa’iil”.

Sidoo kale Sheekh Daahir Caddow “Israa’iil caalamka Islaamka oo dhan dhibaato ayey ku hayaan, Dalkeenana dhibtaas ayey lasoo doonteen dalkeena”.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r