Press "Enter" to skip to content

Cirsan ka yeedh (1969)

The largest online collection of Somali poetry

  • Cashadii gashaba waagu waa caynad gooniyahe
  • Caammadu waxay moodayaan curasho dayreede
  • Cilmi Felegga way garan raggii caalimka ahaaye
  • Anigaase moorada cakiran kuu caddayn kara’e
  • Cirsan-ka-yeedhkii maantana warbuu sheegay Caliyow’e
  • Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa cirirkii soo dhaafye
  • Carruuraha la dhacay awliyada laga cadhaysiiyey
  • Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye
  • Caawaa la kala soocayaa caabud iyo gaal’e
  • Casha aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne
  • Caaddaa rag koraybuu nabsigu hoos u soo celinne
  • Ciil buu u dhiman Ina Cigaal coobadaa gubane
  • Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye
  • Inay curaddo khayr lihi kacaan ciiddan la arkeeye
  • Ceeryaamo subaxeed nin nool curadka roob moodye
  • Marse haddii cadceed lagu dhexdaro wayska cidinciide
  • Caloolyow aan kugu raagihayn ciidda haw qodin’e
  • Cagta ii dhig waakaa nabsigi soo cadceedsadaye

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r