Cabdiraxmaan Ibraahim Magan oo ku magacdheer Cirjiidh oo in badan qurbaha ku noolaa, dhulkii hooyana aan muddo dheer tagin ayaa dhawaan safar gaaban ku gaadhay degaanka Jubbooyinka Soomaaliya gaar ahaan xarunta Jubbada Dhexe ee Bu’aale. Markii uu dib ugu soo noqday Yurub oo fadhigiisu ahaa, 2dii bishii Jannaayo, 2011ka ayuu jiifto gaaban oo warbixin iyo guubaabo isugu jirta mariyey. Cirjiidh wuxuu jiiftada u bixiyey Baashir, wuxuuna ku bilaabay:
Dhalintiyo barbaartaay oo bari dhawayd uma bixin bu’aaloo baabuur Tayoota ah boodaaya sida haad uma raacin beelihi
Badhtankeeda dhoobleey ka billownay socodkee waxaan sii boqoollaba buundadii wacnayd iyo saw maanan marin bogaBoqollaal na sugayiyo saaxiibo badanoon kala baadnay waayaha soo bariidadoodii burburka iyo daalkiyo bacadkiyo jiidaashii
buskiinama illowsiin Bakaal iyo Bitoow Ina Boodhle Khayr Bile iyo Shariif iyo Santuur boqorki uu dhalay Buukay iyo Siyaad Gaab Barre daduu u weyn yahay iyo qaar kaloo badan boholyowna loo qabay saw beeshii kama iman Barqadii mar ay tahay illayn waw buseeloo indhahaw basaasee canbe iyo babaay iyo baydaancaleenliyo
barde midho ku yaaliyo qare iyo bambeelmiyo bocorka iyo yaanyada barwaaqada dhulkeenniyo beeraha cagaarka leh soo baashiruma tagin
Wabi baaxad waynoo ku aroora badahoo biyahiisa hodanka ah badarkiyo gallaydiyo lagu beerto midhahoo cadow uga baqaynoo ninba baasha uu rabo bustaankaga samaystoo
ku illowsha baahida saw baaraxuma arag Dhulka meel bannaan hawd iyo dhulbaadle buuro iyo taag balli iyo dhasheeg booraama goda raamo iyo bacaad biddo dibir ahayd bisiq iyo fullaay xagar baahsanaha oombaybashaqa
bilcil iyo cadaad tugeer aad u baxay abaq baalla dheer iyo qaar kaloo badan boholyawna loo qabay soo baarax uma arag Boodaaniyo aleendarmadaad u bilan
ibil baarqabba leh bay iyo caddaan boore iyo dhiin baqartii lo’aad riyo wada bafta ah ido baanasha leh ari bananka tuban geri iyo biciid cawleey badhya cad goodir boodda dheer balanqiyo atoor farow bowdya weyn shabeel bara le iyo baabullaha libaax shimbir buuba iyo baaziyo gallayr
iyo qaar kaloo badan boholyowna loo qabaysoo baarax uma arag
Kuwa baylahshee dibadaha u baxayoow maad baraarugtaan basar iyo wax qabad isu biirsataanoo baxdintiyo nabraha dib u baanataanoo ballan wada gashaanoo midka aan bislayn u bayaamisaan ha u baylxidhee
Jiiftadaa Cirjiidh ee quruxda badan waxaa saluugay halabuur Xuseen Cabdi Xalane. Oo muxuu u saluugay? Labo sababood dartood ayuu u saluugay. Midda hore, Cirjiidh ayuu kala weyn yahay jiiftada oo wuxuu leeyahay gabayaa ayaad tahay, adiga oo dhalin yar ayaana taa laguu qiray ee jiifto daadsan maxaad noogu harraadin? Midda labaad, waxay Xuseen la tahay degaanka uu Cirjiidh tagay jiiftadana kaga warbixiyey inuu mudan yahay kufna u yahay in gabay uun lagaga warbixiyo. Aragtidiisa geeraarka, jiiftada, guurowga, saarka, heesaha iyo noocyada la qaafiyadda ah oo dhammi kuma habboona in degaankan lagu tilmaamo. Mar haddii degaanku taa mudan yahay, Cirjiidhna uu karo inuu gabay wacan mariyo, saw haddaba in lagu qoddeeyo ma aha. Sidaa awgeed, Xuseen muhindiskii ayuu rogay, wuxuuna 20kii Jannaayo 2011da soo saaray gabaygan hoose. Wuxuu yidhi:
· Gabay buu Cirjiidhow ninkii garan higaadshaaye
· Goob buraanbur laga boodayiyo gawlihiyo saarka
· Goosgooska iyo jiiftadiyo hees gabdhaa jecele
· Maandhow gadhkaagiyo cirrada gaartey madaxaaga
· Adigoo gu’gaa jira haddaad gocotay suugaanta
· Geddii Raage Gobo’dii Dagiyo gumacyadii Saahid
· Geesigii Darwiishkiyo sidii gabayadii Hawle
· Calidhuux gantaalkuu ridayo guba wareeggeedi
· Garnaqsigi Qamaan iyo Salaan gooddigiyo faanki
· Heerkaa inaad gaadhey baa igu gullaalayde
· Geeraarba kaagama fadhiyin waa golmadhantiiye
· Adoo gabana goohaad murtida dunida gaadhsiisey
· Codkaagii galiilyada badnaa guuxa danankaagii
· Meeshaan caqliga gaamuriyo gaax ka filanaaye
· Ma gabaabsibaa maansadii loo gu’ tirinaayey?
· Gaylabkiyo marbuu hoorka geel godolka diidaaye
· Ma geddiisii baad tahay maxaa gudhiyey maankaagii?
· Geedigii Bu’aaliyo tixdaad gelisey e-mailka
· Geyigaad astaantiisa gaar guud marka u sheegtey
· Xiisehiisu wuu igu go’naa gaadhna waan rabaye
· Dhulkaasoon gabiib iyo gol iyo geedna la hilmaamin
· Haddaad gabay ku faalleyn lahayd waan gam’i lahaaye
· Jiiftadii galooftiyo ahayd hadal ganbooleyda
· Ima galin farriintii gudhneyd waa gelgelintaase
· Galaalxoorka maansada intaad dib u guhaadooni
· Eed gabayadaan kugu aqiin soo geddiyo doonto
· Geeraar weydiyo haygu gubin, eray aan qaangaadhin
Gabaygaasi wuxuu Cirjiidh soo gaadhay 25kii Jannaayo ee 2011ka. Jawaab degdeg ah ayuu ka bixiyey. Maadaama oo uu Xuseen Cabdi Xalane ka mid yahay Soomaalida faro-ku-tiriska ah ee maanta magaca iyo saamayntaba leh, qoraa iyo abwaan caan ahna yahay, waxay Cirjiidh la tahay inay ahayd inuu muujiyo kana hadlo abwaanno, halyeeyo gumaysiga la diriray, saaryahanno iyo guurowyahanno degaankan kasoo jeeda balse aan helin fursad lagu ogaysiiyo umadda Soomaaliyeed. Su’aashu waxay Cirjiidh la tahay ragga gabayga caanka ku ah ee uu Xuseen gabaygiisa ku xusay kuwii aan ka dhicin ee degaanada Godey, Afdheer, Bakool, Gedo iyo Jubbooyinka iyo NFD kasoo jeeday maxaad carrabka u marin wayday? Sayid Maxamed Cabdille Xasan si sax ah ayaad u xustay waana uu mudan yahay xusitaankaa iyo ka badanba, balse Xaaji Cabdiraxmaan Mursal iyo Deeqow Macallin Sanbul maad Soomaalida intii aan ogayn ogaysiisid? Geeraarka, jiiftada, heesaha kuwa la nooca ahiba miyaanay badweynta maansada ka mid ahay? Maxayse galabsadeen? Gabay uuu bixiyey Gocasho ayuu mariyey Cirjiidh 26kii Jannaayo 2011ka. Gabaygiina waa kan: Geeraar la qaadiyo tix iyo gabay cod loo yeelo jiifto iyo hees lagu gam’iyo gedaha suugaanta giddigood naxwe iyo waa murtida gogol dhiggeediiye Hadba garashadaadiyo wixii kula gudboonaada adigoo xilliga guurayiyo hubiyey goobjoogta mid umbaad go’aan uga dhigtaa gocoshadaadiiye Dadkuna kala goobogoobo iyo gobollo weeyaane qolo waliba jiib lagu gartay gees u leedahaye guuroowga iyo saar maxaad gooni uga yeeshay? Adigoo abwaan gaamuray iyo guurti u ah beesha galbeed iyo maxaad hawd dhibcaha gaarka ugu siisay? Dadna aad gantaalkiyo madfaca ugu garaafaysay?
Godey iyo Afdheer iyo Masliyo gebiyadii Qooxle Gollihii Cadaadliyo Bankiyo gurada Hawdheere Gabbal dhinacyadeediyo Surmi iyo gacamadii Diima Wabigii Ganaaniyo Jubba iyo godonnadii Waamo Jabbii gaararkeediyo intii Salagle loo gaadho Dhulkii aan gallaydiyo nimcada goorna laga waayin Goonyaha Bakool iyo Gan iyo Gadiyo Baardheere Gaashiyo Dhadhaab iyo GisiyoDhuujis gudaheeda
iyo Gaarris weyntii nafluhu uu u wada guuray Gurigii Kismaayiyo badda iyo Jilib gedaankeeda Afmadoow garkeediyo Lagtiyo, Taabta gadowgeeda Geriley dusheediyo Wajeer Xagar gawaankeeda Garoonkii Libooyiyo Xayiyo Faafi garabkeeda Kudhaadaan cagaarkeedu gu’in gu iyo jiilaalba Deeqowgiigumaysiga necbaa golihi uu joogay
Nin gaboodfal qaata iyo halyay geesi oo dirira Markii labada goonyood khalqigu uu u kala guulmay Ilyanmeeshi lagu gowraciyo gaasaskii ururay
Haddaad gabay ku faallayn lahayd waan gam’i lahaaye
Gayigeenna oo idil intii magac leh maad goobtid?Garraax iyo si aan muran lahayn maad garta u qaadid? Nin waliba siduu wax u gasbaday maan gunno u siinno
Gisi: War Gisi; tuulo u dhaxaysa Dhadhaab iyo Kullan
Deeqow: Deeqow Macallin Sanbul
Ilyan: Francis Elliot; Kornayl ingiriis ah, oo ay Sarinley ku dileen ciidamadii gumaysi diidka
ahaa ee uu horkacayey Xaaji Cabdiraxmaan Mursal.The Sack of Serenli On 2 February 1916, the disaster that British officials had feared would one day happen in the NFD occurred in neighboring Jubaland… halkaa ka raadqaad.
Be First to Comment