Press "Enter" to skip to content

Ciidanka Xoogga oo la wareegay deegaano ka tirssn Shabeellaha Hoose

Shabeellaha Hoose(SONNA):-Ururka 192-aad ee Guutada 19-aad ee Komandooska Gorgor ayaa maanta si buuxda ula wareegay deegaanada kala ah Macalinka, Baladul Amiin, Cumar Beere, iyo Balow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Deegaanadan, oo ay horay u joogeen khawaarijta, ayaa saaka waxa si buuxda gacanta ugu dhigay Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Ururka 192-aad ee Guutada 19-aad.

Ciidamada ayaa sidoo kale ka soo saaray miinooyin culus goobihii ay saakay kala wareegeen khawaarijta, iyagoo sugay amniga tuulooyinkii la qabtay.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa maalmihii u dambeeyey waxa ka socday guluf dagaal oo lagu cirib tirayey kooxda Khawaarijta.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r