Press "Enter" to skip to content

Ciidanka Xoogga oo khawaarijta ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay ee Gobolka Bay

Muqdisho(SONNA);-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay, ee Gobolka Bay, kadib markii ay isku dayeen in ay weerar gaadmo ah ku beegsadaan ciidanka Xoogga.

Dagaalka ayaa khawaarijta looga dilay 21 maleeshiyo, halka in ka badan 10 kalena lagu dhaawacay.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Deynuunaay, oo ah marin muhiim ah oo isku xira wadada Baydhabo – Muqdisho.

Wixii faahfaahin intaas dheer dib ayaan idinka soo gudbin doonaa.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r