Press "Enter" to skip to content

Ciidanka xoogga oo howlgalo culus ka bilaabay degmada Masjid Cali Guduud

Shabellaha dhexe(SONNNA):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal culus maanta ka bilaabay degmada Masaajid Cali Guduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Xoogga ayaa howlgalkaas ku burburiyay fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta, waxaana howlgalka lagu dilay tiro badan oo ka mid ah maleeshiyaadkii halkaas joogay.

Ciidanka ayaa weli wada howlgalka, kaas oo isugu jira mid cirka iyo dhulka ah.

Howlgalkaan wuxuu qayb ka yahay guluf ballaaran oo Ciidanka Qaranku bilihii dambe ka wadeen goobo kala duwan oo ay ku sugnaayeen Khawaarijtu, wuxuuna kusoo aadayaa iyadoo xalay degmada Bu’aale uu ka dhacay weerar qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Nabad-sugidda iyo saaxiibada caalamiga ah.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r