Press "Enter" to skip to content

Ciidanka Xoogga oo howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Buurhakaba 

Baydhabo(SONNA);-Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay.

Howlgalladan ayaa laga sameeyay deegaannada kala ah Bansoole, Balow, Urka Shinbiroow iyo Abowle, kuwaas oo si dhuumaaleysi ah ay kusoo geli jireen xubno ka tirsan argagixisada, isla markaana ku howlanaa dhibaateynta dadka shacabka ah ee ku nool deegaannadaas.

Bulshada ku dhaqan deegaannada laga fuliyay howlgallada ayaa si weyn u soo dhaweeyay Ciidanka Kumaandooska Danab ee XDS, iyagoo muujiyay inay si dhow ula shaqeyn doonaan geesiyaasha ciidanka.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale dhawaan dib u furay waddada xiriirisa gobollada Shabeellaha Hoose iyo Bay, kaddib markii halkaas laga sifeeyay khawaarijtii dhibaateynta ku haysay shacabka Soomaaliyeed.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r