Press "Enter" to skip to content

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayey kuwa Sirdoonka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheeysan oo lagu naafeynayey khawaariijta ka fuliyay Gobolka shabeellaha hoose.

Howlgalkan uu hogaaminaayey Taliyaha qaybta koowaad kumaandooska Gorgor G/le dhexe Saahid Jaamac Faarax Jareere, waxaa laga sameeyey deegaanada kala ah Galka Saalimoow, Diira-fuul,Qodqodka iyo dooxa, iyadoo deegaanada ay howlgaladu ka dhacayn ay si buuxda ula wareegayn ciidamada xoogga dalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor.

Inta ay socdeen howlgalada Ciidamada ayaa wadooyinka ka soo saaray Miinooyin khawaarijtu ay la damacsaneed ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.sidoo kale Ciidamada ayaa bur-buriyey fariisimo ay dadka ku baadi jireen khawaarijta.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r