Press "Enter" to skip to content

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Muqdisho(SONNA);-Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta fuliyay hawlgallo duqeymo ah oo ka dhacay deegaanka Gasarta, oo u dhexeeya Baydhabo iyo Daynuunaay ee gobolka Baay.

Duqeymahan oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay 12 dhagarqabe, halka lagu dhaawacay tiro kale.

Hawlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu burburinayo awoodda Khawaarijta, laguna xaqiijinayo amniga guud ee deegaannada dalka.

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibbada caalamka waxaa ka go’an inay sii wadaan hawlgallada noocaan oo kale ah, si loo ciribtiro khatarta argagixisada, loona sugo nabadda iyo xasilloonida guud ee dalka.

 

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r