Press "Enter" to skip to content

Ciidanka xaq u dirirka deegaanka oo dilay horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa deegaanka Ciid Ciidka jeembilow

Mahadaay(SONNA):-Ciidanka Xaq u dirirka deegaanka ee ka hawlgala degmada Mahadaay ayaa saakay hawlgal qorsheysan ku dilay horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa deegaanka Ciid Ciidka Jeembilow ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidanka deegaanka ee weerarka ku beegsaday goobta ay ku dhuumaaleysanayeen kooxda Khawaarijta ah, waxay ku dileen horjooge Muxudiin Xasan, oo khawaarijta ugu magacownaa deegaanka Ciid Ciidka Jeeembilow iyo saddex dhagarqabe oo ilaalo u ahaa.

Sidoo kale Ciidanka Xaq u dirirka deegaanka ayaa Khawaarijta kasoo furtay laba qori oo AK-47 ah iyo saanad kale oo ciidan oo ay wateen nabadiidku.

Dhinaca kale Ciidanka xaq u dirirka deegaanka degmada Mahadaay ayaa sheegay inay sii wadayaan hawlgallada ay ku naafeynayaan khawaarijta ku silicsan dhulka hawdka ah ee Gobolka Shabeellada dhexe.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r