Press "Enter" to skip to content

Ciidanka Kumandooska Danab iyo kuwa jubaland ayaa sii wada hawlgallo ballaaran oo lagu ciribtirayo Khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa sii wada howlgallo ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo ka socda deegaanno ka tirsan duleedka fog ee Kudhaa.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee la sameeyay ilaa xalay ayaa lagu dilay 24 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, ayadoo sidoo kale lagu soo qabtay labo xubnood oo dhaawac ah, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah ee Kudhaa.

Sidoo kale, aroornimadii saakay ciidamo howlgal qorsheysan ka fuliyay isla deegaankaas ayaa dilay afar xubnood oo ka mid ahaa firxadkii Khawaarijta ee ka baxsaday dagaalladii hore.

Dhanka kale, ciidamada ayaa weli ku raad-jooga horjooge Fu’aad Shangole oo la xaqiijiyay inuu qabo dhaawac culus, iyadoo howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xaqiijinayo amniga laguna ciribtirayo haraadiga Khawaarijta.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r