Press "Enter" to skip to content

Ciidamada Xoogga Dalka oo oo daahfuray howlgalka cusub ee ” Howlgalka Hillaac”

Muqdisho,(SONNA):-

WAR-SAXAAFADEED

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa daahfuray hawlgal cusub oo loogu magac daray “Hawlgalka Hillaac”, kaas oo ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka, oo garab ka helaya Ciidamada AUSSOM ee Uganda iyo saaxiibbada caalamka, ayaa fulinaya hawlgallo lagu burburinayo saldhigyada muhiimka u ah Khawaarijta, laguna jarayo marinnada ay u adeegsadaan dhaqdhaqaaqyadooda gurracan, si loo wiiqo awooddooda isla markaana loo sifeeyo haraadiga Khawaarijta ee dhagarta ka soo maleega deegaannadaas, iyadoo la xaqiijinayo nabadda shacabka iyo amniga goobaha wax-soo-saarka muhiimka u ah dalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa geesinimada iyo naf-hurka Ciidanka Qaranka, kuwaas oo iyagoo gudanaya waajibka soonka go’aansaday in ay sii wadaan dadaalkooda lagu xoraynayo dalka argagixisada.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay caddeyneysaa in “Hawlgalka Hillaac” uu sii socon doono ilaa laga ciribtiro Khawaarijta caqabadda ku ah nabadda, horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r