Press "Enter" to skip to content

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku khaarijiyay Horjooge Khawaarij ah

Muqdisho,(SONNA):- Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka dib howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha hoose.

Horjoogaha la khaarijiyay ayaa Khawaarijta u qaabilsanaa Baadda Shacabka, wuxuuna muddo badan oo ay qaati ka taagnaayeen dadka shacabka ah ku baxay gacanta geesiyaasha Qaranka.

Sidoo kale, ciidamada ayaa intii ay howlgalka wadeen waxay gacanta ku dhigeen mooto Feykon iyo qori AK47, oo dadka musaafurka ah kagu dhibaateyn jiray.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r