Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Haramcad iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 6-aad ee Qeybta 60-aad, ayaa howlgal wadajir ah ka fuliyay deegaanka Xarshanley oo ku yaalla duleedka magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.
Howlgalka waxaa hoggaaminayay Taliyaha Guutada 6-aad ee Qeybta 60-aad, G/Sare Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale, halka taliye ku xigeenka Ciidanka Haramcad uu ahaa Bakar Abuukar Cali.
Ujeeddada howlgalka ayaa ahayd xoojinta amniga magaalada Baraawe, iyadoo magaaladaasi ay isu diyaarinayso martigelinta doorashooyinka soo socda.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sidoo kale la hadlay shacabka deegaanka, iyaga oo ku boorriyay in ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta iyo doorashooyin ku dhaca jawi ammaan ah.




Be First to Comment