Press "Enter" to skip to content

Celi Kalaamkeeda

Gabayadii silsiladda ahaa ee Maalin-guur iyo Reer Warfaa dhexmaray ayuu gabaygani ka mid yahay. Gabay kale oo hal xidhaale ah oo nin Maalin-guur ahi soo diray ayuuna daba socday. Haddii aad hayso gabaygaa kale nala soo xidhiidh. Wuxuu yidhi:

- Kun nin oo kabaalaha col iyo, dirir u kooraysa
- Oo kuhaan iyo fal iyo sixir, kalkaalaayo
- Oo kow meel joogta, kali wax iska taraynin
- Car haddaad kasmada sheekh ku tahay, celi kalaankeeda?
 
- Kol wax booda koox ugu badshoon, cago ku kaynaanin
- Oon dherer kiintaal dhanayn, lugana kaabaynin 
- Car haddaad kasmada sheekh ku tahay, celi kalaamkeeda?
 
- Nin salaad u kacay oo sujuud, kaamilnimo yeelay
- Oo kufaarnimo wuxuu kaqabo, diintu kohanayso
- Car haddaad kasmada sheekh ku tahay, celi kalaamkeeda?
 
- Koor wayne geel iyo horwayn, kadimo loo ooday
- Oo baayaca laysugu kacshoo, kii lahaa wariyey
- Oon kobac riyood iyo sabeen, kodane goynaynin
- Car haddaad kasmada sheekh ku tahay, celi kalaamkeeda?
 
- Karuur iyo karuur iyo, kar iyo qaar raacsan??
- Kafka waxaan dhanayn ood adduun, kun iyo daar siisan
- Car haddaad kasmada sheekh ku tahay, celi kalaamkeeda?
 
- Wabigoo karkaaradii jabshoo, kaliyadii buuxshay
- Ood oomanaan kaga kalihi, kaaha waabariga 
- Car haddaad kasmada sheekh ku tahay, celi kalaamkeeda?
 
- Kildhi shaaha koob iyo fijaan, raaliyadu keentay
- Kibistii laguu qoray iyadoo, kulan laguu siiyay
- Shay aadan kaafigii arkayn, kuman haddaad joogto
- Eedan kajeeladii dhigayn, celi kalaamkeeda?
 
Xadiis Axmed Caabi ayaanu ka helay.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r