Gabay gabayada dib-u-heshiinta ee abwaanka ka mid ah oo uu Soomaalida ugu sheegayo in ay Rabbi u noqdaan si ay uga baxaan collaada ku habsatay. Wuxuu yidhi:
- Dul caagag leh ciid iyo bannaan, ciiri iyo buuro
- Cal guduudan suubaan cantara, amase doox caws leh
- Cinjir dibir leh coolida madow,webi callaalkiisa
- Horweyn cimidha adigoo watoon, ciidan badan haysan
- Cooflaha libaaxiyo adigoo, col uga yaabaaya
- Cawo-daran hadduu kaa lumiyo, goor casar ah geelu
- Carro-edeg cadceedsiga haddaad, meel cabbiri weydo
- Carsaanyada sideedii haddaad, gees kasta u cararto
- Adigoo curaancura jaboo, caga gubyoonaaya
- Hadba waxaad cal fuushaba markaad, socod ku caatooto
- Haddad weydo meel uu cag dhigay, ama cid uu raacay
- Arbacuunka ceesaan cadbaa, loo cammayn jiraye
- Cayni qabadna waa lagu dayaa, caaradkii lumaye
- Bismillah cir-jiidh iyo mariikh, way cartamayaane
- Collooboo siyaariintii way, kala carraabeene
- Geedkii ciddida kaaga jira, waad ka cabataaye
- Caawoo dhan waa kuu cabaad, waana cudur weyne
- Haddii aadan cid soo bixisa helin, caafimaad ma lehe
- Caynkaa waxa ka dhigan hadalka, yaan laysku caardumine
- Kuwaan caano wada nuugnay iyo, waa ciddaan nahaye
- Kala carartay Soomaalidii, calanku saaraaye
- Hadal caraf leh sheekada markii, lagu ogaa caawa
- Cishadii dambiyo yoomka xiga, caasiyaa galo e
- Hadba ciriq qarsoonaan jiraa, soo carcooriya e’
- Waxay ceelka kala soo baxaan, waa car iyo biire
- Bismilaah cir-jiidh iyo mariiq, way cartamayaane
- Collooboo siyaariintii way, kala carraabeene
- Calool-xumadu goortay gashiyo, ciidhadii badatay
- Cirku roobkii wuu naga ceshaday, caadiga ahaaye
- Cayiliyo cadiyo caano ma leh, cuudna waa ebere
- Cadhadii Illaahiyo intaan, cudur na soogaadhin
- Cabsi iyo haddaan lala imaan, camal fal iimaan leh
- Oon la isku soo celin adduun ma calfanaysaane
- Cayni-qabasho Soomaaliyey, gali calooshaada
- Is cafiya haddii kale wanaag, waa cirka u tuure
- Ama cuna carruurtiina iyo, sharafka ciiddiina
Be First to Comment