Gabaygii 1aad ee Banfis
- Raxan raadka waxa iigu wacan, rixinka Somaale
- Raxmaad da’ay ramaas iyo xareed, rayska iyo baadka
- Ramadkaygi dhalay caanihii, ruuxna dayi waayey
- Raaxo lagu nagaadiyo nimcada, lagu riyaaqaayo
- Gobonimo lasoo roornay oo, weydinkii raqaye
- Ee subagii raarnaa guryaha, Roma loo dirayey
- Aadan iyo Risaaq waatay, naga rakiigeene
- Xamar raatub oon liicin oo, aradka ruugaaya
- Rab intan ku soo idhi waanigii, raacdo dheer galaye
- Rashiid iyo Cigaal maalintii, mawdku kala reebay
- Rabiibkii Talyaaniga ka hadhay, raarta sare fuulye
- Rakada iyo salaankuu u baxay, kama ridaysaane
- Sadddexbaa is raacaye halkii, lagu rasaaseeyay
- Rumaankii xabaalaha ka baxay, reer qudhaa cunaye
- Raqba waa rageedee shalay, waa ragragateene
- Riddo dhiigle wan kula jeclaa, raysna daba yaale
- Riyo lala kacaa booday baan, raasamaal dhigine
- Waxaa ruubateen maalintaad, dad iska reebteene
- Majeerteen siduu rabay hadday, run u ahaan weyday
- Adaa raaf dilaacaye anigu, kuma ragaadsiine
- Nin rakaday marbuu khaadunow, waran rideeyaaye
- Ruuxooy la qaadyeey anaad, rawga ii tumiye
- Ood igu ruxanaysaa inaan, soo rakaabsado e
- Hadaan kaaga roggi laa, adaa igaga riiq dheere
- Haddaad raaxo joogtiyo haddaad, raran gubyoonayso
- Wali raxanki maad galin cagaha, nagu rogayseene
- Ruug-cadaadigaa haysta iyo, adiga riixaaya
- Hadba raarta kiinii gala, waysla ruga gayne
- Raqda aarka hore kii dambuu, reenka maqashiine
- Kuruskuu rudhaayuu hadana, wax uga reebaaye
- Raxan baad ku cunaysaan hashaan, riiq walba u galaye
- Daarood cadkuu kala ritaa, waysla ruga gayne
- Raambaha haddii lagu turbo iyo, raani iyo baashe
- Hadba yeekahaad noogu rogtaan, waysla ruga gayne
- Rucla orodka geelaba haddii, rag isku soo gaadho
- Qolo unbay riyadii laysku go’ay, libintu raacdaaye
- Caawa rayflkaa kula baxdaan waysla ruga gayne
- Tan kalee cidlada raamsata ee, raaski laga daayay
- Raab-raabitaa raab-raabita, ruux ma weecatuye
- Raganimiyo xoolaba anaa, ugu radeebnaaye
- Rucbi baa iyana fuulay oo, laguma rayrayne
- Kol hadaanay ood iga rogayn, waysla ruga gayne
- Reerkii aa kala daadiseen, muu rafaad bixine
- Rakaabada sidaa uga canteen, raysna degi waaye
- Sidii bay raraydu u baxdaa, roobna urin waaye
- Raaskaa yar ee maamuliyo, adiga rawraw leh
- hadba calankii kii rahmaa, waysla ruga gayne
- Raajiya la caabuday sidii, sanabadii raace
- Rukumada kursiga loo hayaa, raaxo tamashleeye
- Waraabahaa rabayseen hadduu, cunayo ruuxiina
- Rubadiina goortuu cunuu, ruugaga ka heensho
- Anna iiga rayn maayoo, raadkuu soo qabane
- Ridaan gees lahayn bay riyuhu, idaha raacshaane
- Ra’iyigaynu kala haysanaa, waysla ruga gayne
- Mareexaankii raamaha lahaa, reer walba u taliye
- Waqtigoogiibaa roorayoo, iguma raagaane
- Rayd qaadan maayee anoo, raydabta Isaaq ah
- Maantaa rarada lay saarrayaa, waysla ruga gayne
- Riyaad bay ka gooshaan hablihii, baanka loo raraye
- Riyaalkii Sucuudiga ayey, labba rogaayaane
- Rajadiyo agoontii lahayd, way racfaan gudane
- Idinkiyo bah raabaco dharyaha, waysku ridataane
- Rati qalan Islaan idin martiyay, ricidh ma siisaane
- Riiq dheerahaad nagu disheen, ruuxa naga gooey
- Iidoor rag weeyoo mar uun, ways ka soo rogiye
- Abtiyaal maxaa naga rabtaan, ways rogrogataane
Gabayga 2aad
Jawaabtii Yuusuf Colaad ee 1aadJawaabtii Yuusuf Colaad ee 2aadJawaabtii Makayte
Be First to Comment