-
Waa taan Cadaadley ka guday xalay cawayskiiye
-
Caado iyo intaan Sirow tegaan caano geel dhamaye
-
Cosob iyo markaasay Maryama ila ciyaareene
-
Citiraafna waan helay sidii dawlad caadila ahe
-
Waana lay casuumaday sidii caalim soo dagaye
-
Ragna inuu catrado ii dhisuu iila ciil qabaye
-
Cisigaa anoo heli karoo cudur la’aan seexday
-
Turumbadu markii ay cidee waaguna caasaaday
-
Cirkii iyo camuudii markaan cayn kastaba dhawray
-
Rag calool xun goortaan arkiyo calalo taanbuug ah
-
Carmis inaan ag joogaan gartiyo wali ciqaabtiiye
-
Caku anigee goormaa wajaaf laygu soo celiyey
-
Carradii biyaa iga xidhoo waxaan cabaan waayey!
-
Cadar bay ahaydoo intaa caga-gubyey haysay!
-
Cagaag baa i mudayoo kabaan cidhibta saaraa dheh!
-
Shan nin bay casuumaysayoo fiidkii ma cashayn dheh!
-
Batar Ceerigaabaan ku jabay mana ciyaarayn dheh!
-
Cirka iyo baqoolaan ku tegay Cadale meeshiisa
-
Cusbalayna waan soo mariyo Ceelis gudaheeda
-
Cimrigayna meeshaan fadhiyo kama carraabayn dheh!
-
Cawdaan ku jiifiyo hurdada caawa kama toosin
-
Sidaan u caweysimaayuu waagu ku caddaan dheh!
-
Niman bay canaantoo haddana ii calaalcala dheh!
-
Ceeb baa la ii faafinoo la ima caayayn dheh!
-
Hadalkaa calaamada leh waad la cajabaysaane
-
Caynkaana waxa iigu wacan ciilka aan qabo dheh
-
…
Be First to Comment