Press "Enter" to skip to content

Cabdullaahi Muuse

The largest online collection of Somali poetry

Gabaygan waxaa tiriyey abwaan Cabdullahi Muuse oo haweenay uu guursaday oo aad u qurux badnayd qoys wanaagsana ka dhalatay ay ku noqotay caasi aan wax badan ka maqlin. Wuxuu Cabdullahi ku bixiyey gabadha guurkeedii xoolo badan oo mood iyo noolba leh, wuxuuse gabayga ku sheegayaa inuu ku khasaaray guurka haweenaydaa, inay gogol-dhaaf la timidna wuu ku durayaa.

Wuxuu yidhi:

  • Caqligaa dabool laga geshaa, duul hadduu lumo’e
  • Durdurkuba hadduu dhagax dulmaro, dihanka qoyn waaye
  • Meeshii dalleeley biyuhu, doog ka bixiyaane
  • Ruuxii damiin ahi qalbiga, waa ka daar xidhane
  • Dadku haddii wax loo sheego, ways darajo dhaamaane
  • Alla dooriyeey hadalku, waa kaaga darayaaye
  • Dundumooyinkoo lala hadlaa, damac ma yeeshaane
  • Dawo malaha naagtii xuni, hadday diidda waanada’e
  • Doqontii ku yeeshaa wuxuun, lagu dabiibaaye
  • Anunbaa nin doorka u dhashay, aan duniba aafayne
  • Dar Ilaahay waxaan kaa nebcaa, dadab-galkaagiiye
  • Rag bayse dooni buuxdaa, baddaa kaga degaysaaye
  • Dabkayga iyo geelii ayaan, durina la i siine
  • Kugu daalay dhaaxa’e haddaan, didibso kaa waayey
  • Darbo iyo dilliin iyo inaan, dirisba kaa yeelo
  • Saddexdaa midbaan kula damcee, adigu soo dooro?
  • Naag yahay Dannoodbaa u weyn, harada Doolloode
  • Duunyada haddii lagu horoo, saalo lagu daadsho
  • Iyaba waa diqowdaa haddaan, la isu diideyne
  • Darka Caynabay kugu masleen, derisadeenniiye
  • Dawgii la marayaa dhexduu, deri ku yeeshaaye
  • Dermadaan la laabini dhaqsay, duug u noqotaaye
  • Duqsigaa ku dhaca xeedhadaan, dabaqu saarrayne
  • Sida doogsin roob kaaga dhereg, doobka reeruhuye
  • Dirxilaha Madheedh waa Cas yahay, daawashada guude
  • Dawliilka baas waxaad ku hodi, duul aan ku aqoonne
  • Geelaa markuu dararan yahay, laba nin duugtaaye
  • Wax kaloo la darandoorriyaa, damac ma yeeshaane
  • Anigaan ku dirin waadigii, damaca waalnaaye
  • Daydayo haddaan kuu fasaxay, dibed wareegiiye

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r