“Dhoodaan waa adiib weyn, waa nin naqdiya waxa jira, gabaygiisuna ma laha waxa loo yaqaan ‘laqsiga’ sida naago ammaanka iyo jacaylka. Waa nin ka hadla dhibaatada jirta sida khiyaamada, axdi ka baxa, caddaalad la aanta, is gumaysiga, iwm. Wuxuu gabaygiisa ku muujiyaa in axdi ama ballanqaad la galay laga baxay. Waa abwaan weyn oo adeegsada qaabka balaaqiga… Ma qabo inuu jiray abwaan aragtidiisa oo kale lahaa oo maanso ku cabbiray naqdigiisa, mid hore iyo mid hadda noolba. Waxaase ku dhaw dhaw Sayid Maxamed Cabdille Xasan.”Sidaa waxaa yidhi Professor Faarax Dhaameel.
“Miisaanka gabayga Dhoodaan, iyo lafta iyo luddiisa waxaan ku tilmaami karaa inuu yahaykan ugu sarreeya ee gabayga Soomaalida. Intaa waxaa dheer waddaniyad uu ka daacad yahay”Sidaa waxaa yidhi Halabuur Cabdullaahi Baddal Cabdi Qamaan.
“When dealing with weightysocial and historical circumstances, Abdillahi Dhodan’s command ofSomali language and poetic insight is in the same league as the legendary poets, such as Ragge Ugas and Qamaan Bulhan.”Sidaa waxaa yidhi Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudaydi.) Hadalkaa waxaa si aan rasmi ahayn loogu tarjumi karaa “marka laga hadlayo waayaha bulshada iyo kuwa taariikhiga ah ee miisaanka leh, Cabdullaahi Dhoodaan kartidiisa xagga luuqadda iyo xirib-dheeridiisa xagga gabayga ahi waxay la heer tahay midda gabayaagii hore sida Raage Ugaas iyo Qamaan Bulxan.”
“Dhoodaan ma aha dadka gabayga laga keeno ee waa ilhaan markii uu wax tabo ama dareen ku dhasho gabya”Sidaa waxaa yidhi Muxumed Baaruud Guraase.
“Gabayga Dhoodaan tolkay wuu ku ciil baxaa ee wax kuma qaato”Sidaa waxaa yidhi halabuur Cabdi Sheekh Biixi.
Yuusuf-dheere Maxamed Sugaal oo ah gabayaa caan ah ayaa gabay mariyey:Faylasuuf ka weyn ma dhalan, faxalkii Dhoodaan e.Gabay kale Yuusuf-dheere waa kii ku lahaa kadib markii uu taxay magacyada ragga gabayadooda Soomaalidu ugu jeceshahay: sano nool abwaan baa murtida laga ishaartaaye, eeggana waxaa laga tabshaa adiyo Dhoodaane (adi wuxuu ujeedaa Hal-abuur Cabdi Sheekh Biixi)
Maxamuud Cabdi Kaadheeri waa kii lahaa isagoo u digaya nin isku dhereriyey Macallinka asii Kaadheeri ugu muuqday nimaan Cabdullaahi Dhoodaan la heer ahayn:
Boqorkaan dhacaynee murtida baarqabkii gabaygaBilladdeeda wiilkii hantiyey barrihii suugaanta. Haddaad beer adaygaaga tidhi waan u bixi maanta. Naf aad birqooshaad siddaa ood budkaw qodiyeeIs biimaynta qaarkeedna waa kuu baraarnimo eMa gaadhaayo bayd aad furtaa Boqorka DhoodaaneAnaan baratamaynaa haddaad wax is bidaysaayeBillaawuhu markuu kugu dhaciyo baaska daba joogaBarkad-naxa barriiqada siddii bilista how yeedhin?Isaguba, waa Dhoodaane, waa kii lahaa:Gurdan raaca googaatamoow gaabsadaan odhaneGocorkiyo ardaa-niijiyoow hooy gabaan idhiyeHalkay gumacyadaydu u socdaan waa gun iyo baareAf gurrani hadduu goob yidhaa wuu guracayaayeAnnaguna waxaanu leeyahay, Cabdullaahi Macallin Dhoodaan wuxuu ugu horreeyaa halabuurka Soomaaliyeed kuwii tegay iyo kuwa casrigan ahba. Aragtidayda, Sayid Maxamed Cabdille Xasan ma ahee, ilama aha inuu jirro hal-abuur la miisaan ah Cabdullaahi Dhoodaan. Waxaa la odhan karaa wuxuu gaadhay fidha ugu sarreysa ee halbeegga gabayga. Sidoo kale wuxuu yahay xeeldheere dhaqanka iyo afka Soomaaliyeed, taariikhda iyo sooyaalka ummaddeena iyo Geeska Afrikaba. Waxaa intaa waheliya waddaniyad niyad ka ah iyo gumaysi iyo gardarro nacayb dhalamad ah. Wuxuu ka mid ahaa dhalintii u guntatay aasaaskii iyo abaabulkii xisbigii Nasru-Laahi. Xisbigani wuxuu ahaa dhaqdhaqaaq madax banaani doon ah oo ka unkamay gobolka Soomaali Galbeed. Xawliga iyo xarbahu haba kala duwanaado e, nus-qarnigii tegay wuxuu si aan kala hadh lahayn ugu hawlanaa halgankaa.Gabayada Cabdullaahi Dhoodaan mid walba kaligii ayaabuugaglaga qorri karaa. Gabay walba oo uu tiriyo abwaanku waxaa si gaar ah uga dhexmuuqda xeeldheeri, murti wacni, eray xulasho, xariifnimo, macno iyo tarkiib yaab leh oo cid lala simaa aysan jirin. Carroqaadkiisu waa ugub, murtidiisuna waa agan, sida uu isba sheegay:gabay aan abuuraa hadduu aniga ii muuqdo, waxaan dooni meel ugub ahayd inaan abbaaraaye.Markasta oo aad gabay uu tiriyey dhagaysato ama akhriso, waxaad is leedahay gabaykan u dhigma waligii cid tirisay lama sheegin. Haddiise aad isla fadhigaa ku dhagaysato gabayga kaa xiga ee ay isku cajalka ku duuban yihiin, waxaad si dhib yar markiiba u iloobaysaa kii aad dhagaysatay daqiiqado ka hor oo aad kan dambe u qiraysaa inuu yahay gabaygii ugu cuslaa ee aad waligaa maqasho. Sababtu ma aha in adiga, dhagaystooy, ay xulashadaadu liidato amaba aadan aqoon hoose u lahayn kala sooca maansada. Sababta arintaa keentayi waxay hubaashii tahay gabayada Dhoodaan oo uu midba midka kale ka khatarsan yahay kana cibaaro iyo cilmi qodan yahay, in la kala hormariyona ay adag tahay. Kolka ninba dookhii iyo danta gaarka ah ee uu ka leeyahay gabayga ayaa kala jeclaysiisa.Waxaa lagu doodi karaa 100% gabayada Dhoodaan inay wadani yihiin. Waxaa la arkaa in la helo qof Macallinka ku khilaafsan mowqif siyaasi ah oo uu qaatay ama sida uu u cabbiray xaalad siyaasadeed oo xillli gooni ah jirtay. Waxaanse marna la arag ama la maqal qof dhaliila awoodiisa aan dhigga lahayn, aan gunteedu muuqan, awoodiisa la odhan karo waa awood caqli-ka-fooq ah ee gabayaanimo. Ma arkaysid meeris Cabdullaahi Dhoodaan ka sugnaaday oo aad isleedahay allow yaa kaa baddala ama muxuu saa u yidhi oo uu sidaa kale u odhan waayey.Intaa waxaa dheer inuu leeyahay codad iyo naaxiyado kala jaad jaad ah goonina isaga u ah oo dhagaysigooda Soomaalidu aad ugu xasisho. Sida uu ugu luuqeeyo iyo siiqada gabayadiisa ayaa waxay tahay si aan laga xigan karin oo isaga oo kaliya ahi uu awoodo inuu sidaa keeno. Bal dhagayso:Yaa dirsaday,Salleelo,Garnaqsi,Salleelo,Gardarro,Xaajadii,ikk. Ku luuqaynta gabaygu, gaar ahaan kolkii ay sida ta Dhoodaan u hufan tahay, waxay leedahay qiime iyo muhiimmad gaar ah maxaa yeelay marar badan ayaa waxaa la arkaa nin gabay fiican oo haddii gabaygiisa la qorro murti laga dhadhansan karro. Laakiin markii uu ku luuqeeyo aanu sidaa dhadhan u lahayn.Gogol-dhigadka maamaahdu waa gabayadaydaaseGucunkeeda maansadu halkay gacan-togaalaysayWar guulaanti xididaysatiyo guurti laga yaabayGoljeex iyo madaba way helaan inay ku goobaaneMa gartaan gibbaankoo dhan iyo jaale goray-ciileDhoodaan waxaa kale oo uu yahay aabihii iyo abuurihii nooca maansada ka midka noqday ee loo yaqaano Jacburka. Lama sheegin Dhoodaan ka hor cid gabay jacbur ah oo sida gabayga caadiga ah u macno badan danaheeda ku gudatay. Jacburku waa xikmad, maad iyo madadaalo yuururta oo ay Soomaalidu aad ugu qoslaan uguna raaxaystaan. Waxaa xusid mudan inay jiraan hal-abuur badan oo Cabdullaahi Dhoodaan kaga dayday samaynta jacburka sida Cabdi Saahid, Yamyam, Hadraawi iyo Shube, ikk.Badda riinjiyee baa u daran hawlaad qabataayeXisaabtana dabayshood qortaa kuugu fara weyneNin sigaar cabbaa wuxuu yidhaa anigu waan dayneKolkuu dhammaystuu haddana laba midh doontaayeGabadh aad jeclayd oo haddana gaadhi kula fuushayOo dhinacan kaa soo fadhiyo ruuxay garanaysoAma aad guri kusoo booqatay lana ciyaaraysoHooyadeedna ay joogto oo waliba soo jeedoAdiga iyo inantaasi waad kala xishootaaneYaabbaa adduunkii ka dhacay wiiga maanta ahDhulkii lagaba guuryoo cirkaa loo tartamayaayeXiddigaha dushoodaa dhawaan la isku haystyaayeAboole kow iyo toban baa kharibay dad aan la koobayneSuuqaa markii aad u degtaba buuq haddaad maqashoDayaxay tageen iyo ma tagin muranku weeyaaneWadaadadii jiboodiyo casrigu way is dilayaaneIlkihii rag laga daadiyeey galabta sheegeeneYurigaa Giriigbaa la yimid hawshan oo idileIsagaa wareerkaaba baray dunidii fiicnaydeAwal waa la wada diidi jiray oo la beensadayeHadda unbay xaqiiqaynayaan waana la hubaayeArmstaroonba waa kii dayaxa ciid ka soo rarayeLuna iyo Aboolaana dhigay calamadoodiiyeHaddaynaan ina guurin oo meel kasii dayaninAfrikaanku baashuu lahaa waa la dagayaayeHaddaba talogalkeenu ma aha inaan taariikhdii Macallinka soo koobno, sifayn badan oo kale oo uu u baahan yahayna ma jirto. Waxaan kaliya doonaynaa in aan hordhac u samayno gabayada Cabdullaahi Dhoodaan ee hoos hadhsan doona boggan. Intaa yar ee gibinka ah ee aan kor kusoo qaadanay masoo koobi karto taariikhdiisa iyo gabayadiisa baahay ee nus qarniga socday. Haddababiyo sacabadaada ayaa laga dhargaayejoogtee inaad soo gaadho bogga Dhoodaan si aadan u gafin maansadiisa qaaliga ah ee aan uruurinay. Wixii halkan ka maqan ee aad hayso fadlan noo soo tebi. Dhagayso, akhri oo ku xasil, isku maaweeli, taariikhda iyo taxanihii ina soo maray ka baro maansada Cabdullaahi Dhoodaan ee mid loo dhigaana aanay jirin.Haku guban dheh waa guluc shishiyo goobadaan xidhiyeHana moodin goof laga bixiyo gaaman laasa ah dhehGalalaati mool howgu dhicin gawyalaan farayeGammuunkaan cirka u riday halkuu dhigan gafuurkiisaHa arkeen gulaamadii batiyo uur-ma-gaaxsade eOnkod galaw ka diday baa odhan geesinimo dooneMarkaasay gabrada laacayaan saa gobbay koriyeAmay goosan xabag gawlaliyo maydhax gumareede
Be First to Comment