Press "Enter" to skip to content

Cabdi-Kaahin Aadan Qoorcadde

Ninka geeljire ahi haddii uu geelooda oo cadow qaaday ku dagaalami waayo wuxuu mutaa guhaad iyo guulguul badan. Inuu nafta garabdhigo oo ama lagu dilo ama uu dhiciyo ayaa midood laga fishaa. Haddii nin gabyaa ahi ninkaa geela ku dagaalami waayey ehel u yahay gabay canaan ah oo aan ku eekaanin degaankaa ama jiilka xilligaa jooga kuse faafa dhulal badan iyo jiilalka soo socdaba ayuu tiriyaa. Cabdi-Kaahin geel la qaaday oo raggii lahaa uu ku tuhmayey inay hamradeen iyagoo waliba hubaysan ayuu gabaygan qurxoon u mariyey. Wuxuu yidhi:

  • Suullowba gaas iyo ma wadan, guuto xoog badane

  • Gaw bay ahaayeen colkii, labada geesoode

  • Gaajana waxaa qabay kuwii, guuraha ahaaye

  • Garba weyne Ina Shuuqaagaad, gebbiga moodaysay

  • Isagoo intuu gaawe dhamay, jiifa goloheeda

  • Oo Uustar aan god u dhinayn, gudub u haaneedsan

  • Miyuu galow ka yidhi bawd yaroo, galabtii loo ooday

Gale hawdle iyo laagihii, dhaguxu gawriirayGu’ rinkiyo markii teeda culus, lagu garaacaayeyGo’a kore hadduu tuuro oo, gaadha madaxeedaOo geed isugu toosiyoo, gumuca liishaamoOo dhawr genbiyo waa horrey, gudi lahaayeeneMa gabbaatibaa xoolo, waa laysu geeyaayeMa gashaantiyaa Eebahay, gaagna kama reebeInuu geelu koodii ahaa, sow ma garanayninNimankii uu tirtirsiyey ayaa weerar culus qaaday oo geel badan soo qaaday markaa ka dib ayuu gabaygii ku noqday oo wuxuu tiriyey mid ay ka mid ahayd:- Saawiri markii aad listay, seedda kuu kariye – Sangihii cag-culus jeedalkaa, lagu salaaxaaye – Sida sulubka Reer Magan haddii, aanan u soofaynin – Oo ceebta waan ugu subkaye, suuqa lala meerin – Sodon wiil dul-howd kuma gasheen, shalay sagaal reere! – Sumacoodu waw wada dhannaa, sudaha Liibaane – Salqadhlaydii uma gaaxsanayn, saafiga ahayde – Dhaaxay sarraaf iyo raggii, suutada hayeen – Seddex geesi waatay dhigeen, sibirta geeliiye – Sujaac miidhan baa wada heshoo, waw sallixiyeene!Labadan gabayba ma dhanna. Soo raadi inta maqan.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r