Press "Enter" to skip to content

Cabdi Gorod

  • Qamaan iyo Ismaacill Mire iyo, Qawdhan iyo Saahid

  • Qudhii Maxamed qawlkii Salaan, qodobyadii Raage

  • Qarnigii horeetaan ka hadhay, qoonkii gabaygiiye

  • Qabri baanan gaadhine adduun, qaatay calafkay e

  • Qorraxdii gudeysaan qabsaday, Qaahiraan tagaye

  • Qalin iyo waraaq baan sitoo, qaaradaan maraye

  • Wax i qaaday mooyeen cirkaan, qadaw ka laacaaye

  • Qudha Adari quruxdii Jigjiga, Qaali iyo Faafan

  • Qawyaha Nogbeed iyo Wardheer, qaalinimadeeda

  • Qabridaharre iyo Dhoobo-Weyn, qadadi noo tiilley

  • Qoorriga Suweys kama xumayn, qoodhay xeradeeye

  • Lagase qaaday qoonkii lahaa, taniyo Qaabiile

  • Ogaadeenkan qaxay jeer damboo, qaybta laga daayo

  • Oo qoriga laysla hor fadhiyo, qolo ku faa’iiddo

  • Qarxin maayo gabaygaan hayee, hayska qamardaaddo

Gabay kale waa kii Cabdi Gorod ku lahaa isagoo niman magacyadood la yaaban:Jurijuri Jaamaale iyo Jagac, miyaan jabo la meegaartayJinni Xaarka saydhiyo miyaan, Wada Xun jeestaynayMarkii kale ee ay is hujuumeen ninkii colaadu u dhaxaysay ee uu ablaydiisii galka kala baxay dabadeed ninkii kale baqday waa kii ku lahaa tumaalkii uu ka soofaysan jiray saddex geesta qaroofan:Shalay duhurkii markii Daahirow, Carab isoo doontayDiilintii bannaanayd markuu, dumarku ooyaayeyDabajiir midduu tumay markuu, igula soo duulayEen Daabcaddaydii la baxay, soo degdegi waayeSoofaha ku duug waa anigii, kuu ducayn jiraye

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r