Press "Enter" to skip to content

Cabdi Gahaydh

The largest online collection of Somali poetry

Geelii Indha-Badane iyo jabkii Ogaadeen u gaystay Isaaq iyo gabaygii Maxamuud Cali Beenaleey ee digashada iyo goodiska ahaa oo wada socda ayaa loo geeyay Cabdi Gahaydh. Isagoo haddaba Isaaqu ka filayo inuu dhiiri-galiyo oo uu dagaalansiiyo ayuu tiriyey gabaygan calaacalka iyo marag-furka isagu jira. Gabaygu wuu dheeraa intan unbaanse hadda ka haynaa. Wuxuu yidhi

  • Dhiilaabayey xalay miyaan, dhagidi soo booday

  • Ma dhabeyti dhawr baan hurdada, dhinacyaduu diiday

  • Gogoshii la ii dhigay miyaan, dhan isu weydaarshay

  • Sidii qalanjo dhaawacan miyaan, dhiraha laynaayey

  • Sidii naag ninkeedii dhintoo reer, ka dhaxal meertay

  • Ma dhulkaan shan baac qoday, Cabdow dhalasho waa yaabe

  • Ma dheg xumada Kiinguna maqlaa, dhibaya jiidhkayga

  • Dhanuu jiraba Daarood miyaa, dhool ku wada faanay

  • Dhabayaciyo Reer Dalal miyaa, dhaanto laga keenay

  • Ma raggaanu dhaxirka u xidhnaa, dhudi ku geeraarey

  • Ma dhawaaqa Cali soo diraa, waliba dheerada

  • Waa taynu dhaabaha lahayn, labada dhoomoode

  • Lama dhaco anaga reerkayaga, sida dhukaameede

  • Ama geelu seymuu u dhashaye, dhaqashadii daaya

  • Ama dhiciya sida reer tolkay, dhudi ma meerteene

  • Ama dhoofa waad taad sidii, dhalo nugleydeene

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r