Gabaygan dadka qaarbaa aaminsan inuu tiriyey Xarbi Ismaaciil uuna ka tiriyey dagaalkii Dhurwaale ee Ciidagale iyo Reer Isaaq dhexmaray. Inta aan cid si hufan noogu kala cadaysa ka helayno waxaan u daynaynaa boggan Cabbeeye. Haddii aad og tahay cid taariikhdiisii oo tifaftirin la weydiiyo nala soo socodsii:
1.Bilic quruxsanleeyey iyadoo, boodh ku dhaashiyatay
2.Baar coodanleeyey markay, bari u sii jeedday
3.Ee Baarqabkeedii nirgaha, badan kaxeynaayey
4.Barbar socodka laafyaha markuu, kor ula boodaayey
5.Boqorkeeda weeye kolkay, bogga ku meereysay
6.Ees dhibida baarkiyo miskaha, bay isaga yeelay
7.Ees micida sida baaldi jabay, balaw ka siinaayey
8.Bishimaha hortoodiyo afkuu, buladku laallaado
9.Dhegta baarrinteediyo tawaad, labada baal qoysey
10.Boggoo xoodmay bay soo, baxdaa burunjidiisiiye
11.Waa boqorka geelee markuu, bulad shixaamaayey
12.Bishimaha kolkuu qawladda, buladku duulaayey
13.Ees doobta sida buunka iyo, ridayey baaruudda
14.Budhudhkeeda dhalay aarankii, boqol la moodaayey
15.Yaa Baha Wacaysaay kolkay, Yalax ku baaqaysay
16.Birmadkeeda oo Reer Isaaq, buurri dabajoogo
17.Oo Baashahoodii watoo, boqol nin dheeradaay
18.Baashaalba kaama ekeyn, bogga dharaartiiye
19.Alley lehe rag lagu beegsadaad, barigi hayseene
20.Basar caydhi leedahay nin ogi, kama baqeen geele
21.Sidii qaylo beel kale ka timid, yaad barbariseene
22.Ba’ayeeyda naaguhuna saw, idin ma beerqaaddo.
Akhyaarta aaminsan in Xarbi gabaygan tiriyey waxay ku daraan beydad
kale ooy ka mid yihiin:
-
Iyadoo bidhaan quruxsanleey, boodh ku dhaashiyatay
-
Iyadoo badh buu dhalay hayaan, baarqabka iyo foosho
-
Iyadoo badaha Raydablay,bidix ka daaqaysa
-
Barrigay fadhiday reer Amaan, weerar kaga baadhiye
Be First to Comment