VII: Gabayagii Buraale Cali Ubaxle ee Silsiladdii Rayad
Hordhaciigabaygu wuu soo socdaa: Wuxuu yidhi
- Dacwigii Qamaan yidhi anaan danabku ii keenin
- Ma doonayn inaan gabayo diro amase diiqaaye
- Markaanse daa idhaahdaba rag baa dawga jiifsada’e
- Waa iga da’weyn yahay ninkaa dirirta oogaaya,
- Cali Dhuux sidaasuu damcaye diida hadalkiisa
- Haddii aqal dab galo aan ninkii daaha laga saarin
- Dherigaan dalooshimo lahayn baa dubkii hariye
- Cali Dhuux sidaasuu damcaye diida hadalkiisa
- Da’day maaha reer nabad ahoo diradireeyaaye
- Hadday nimanku soo wada degeen nabad ha loo daayo
- Ilma-Dacarka duufkiyo bakhtiga dibad u meeraaya
- Hurre Raabbigaan dunidatan aan diric u dhaafaynnin
- Maxaa derejo simay waa afkaan daab ku leeyahaye?
- Ninkii Dubuxul geeliisu yimid dumarku soo qaadye,
- Ogaadeen maxaa doqon ka dhigay dawgal baa jira’e?
Be First to Comment