Press "Enter" to skip to content

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Muqdisho (SONNA):- Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah hub ugu dhex wateen Muqdisho, iyagoo jabiyay awaamiir hore oo ay soo saareen hay’adaha ammaanka.

Booliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Bartamaha, ayaa qabtay askartan, waxaana la sheegay in maxkamad loo gudbin doono maadaama ay ka dhega-fureysteen amarka mamnuucaya in askari aan shaqo ku jirin hub la dhex maro magaalada.

Sidoo kale, hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaa horay u mamnuucay hubka culus, ilaalo badan, iyo qaadashada hubka gudaha caasimadda si loo adkeeyo amniga Muqdisho.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r