Press "Enter" to skip to content

Bilbil iyo Banbaano

The largest online collection of Somali poetry

  • Nin u booran qayrkii haddana, baanayaad tahaye
  • Booda dheerihii baa tihiyo, baygagii shalay e
  • Ba’ na ma ahid bootana warbaad, baafi lee dahaye
  • Bisad baad kasii liidataa, buurna waad fanane
  • Bogcad baad go’doon iigu tahay, meel ban geesha ahe
  • Bisinkii Ilaahay iyo haddaanan, Boqor ka yaabaynin
  • Mar horraad baruur shiilantiyo, noqon lahayd beer e
  • War hooy gabaygu kuumuu billee, hays ban jarin maanta
  • Haddii kale bilaawaha afkiyo, filo banbaanooyin
  • Oo ha bakhtiyin markaan kugu bilbilo, oo baaska how dhimanin

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r