The largest online collection of Somali poetry
Waxaa maansadan midnimada iyo macaankeeda iyo qabyaaladda iyo
qurunkeeda ka hadleysa curiyay Maxamed Cabdiqaadir Daauud waxayna
soo baxday May 24, 2002.
-
Baaq waxaan u dirayaa -
bulshadeydan laayacan -
maansadaan burqaneysee -
baacuggiyo dareemaha -
aan beerka ka alkumay -
bilaash ooma curinine -
waa iga baroordiiq -
barbaartii dalkeygiyo -
beel wada hurdeysaan -
beerlaxawsanaayaa -
bishaariyo bilkheyr dhaha -
-
Waxba hadalka yaan badin -
hadduu baladku nagi yahay -
bisilyahay dadkeyguna [Somaali] -
ma balween ayaan nool -
ilmo ima butaacdeen -
ishu ima basaasteen -
ba'da gabayga jiiftada -
waloow aan ka baaqsaday -
barya aan ka gaabsaday -
bal aan baadigooboon -
maansadii baroordiiq -
budulkeeda raadshoon -
ka afuufa boorkee -
bulshooy dhagaha ii fura. -
-
Nimanyahoow bahdeennii -
wey kala baqooshoo -
baallaha adduunkaan -
baayhoof ku wada nahay -
basanbaaska nagu dhacay -
waa balo lixaadweyn -
badihii dalkeennee -
kheyraadku buuxay -
baamishoon la'aan bey -
shisheeyuhu baljiiraan -
maraakiib ka buuxshaan -
si uu baaqi uga harin -
xeebti babaca-dheereed -
boolushoon ku dhaafaan -
bad-joogtina burburiyaan -
annaguna barkumataal -
baaba'a qaxootigaa -
bur naloo halbeegaa -
barbaarteenni qarankana -
waa waxey bada la quuseen -
wuxuu booba laayiyo -
wax buseyl-guhaad qaboo -
sideydaa bukaansocod -
boholyoowna daashadoo -
baroordiiqda weheshada -
wax u baxay bannaankoo -
bad nin-kale u xaaqaan -
baabuur dhaqaanoo -
badaw lagu yiraahdiyo -
boqol suuqa meeraan -
ilkihii ka bololoo -
baarixigu daashaday -
bulshayahay dhammaantiin -
barkimaha ka toosoo -
is-baheysta gabigiin -
beegsada wanaaggoo -
bah u dirirka daayoo -
baafiyaay midnima-guud -
si aan uga barnoqonnaa -
bari hore xummaantii. -
-
Bookhii dalkeenana -
intey buugga qaataan -
ha bartaan tacliin bilan -
khobarada waxbaartana -
intey malafyo buuxshaan -
cadaawihi na boobeen -
bareerkiyo xasuuqii -
raggii beerka laga solay -
raanjarista boodaan -
kuwey naga baduuqeen -
bahdilkii gumeystaha -
Biljam nagu gaboodfalay -
ayagoo buruuf sida -
ha u bandhigaan adduunkiyo -
beesha-caalamkoo idil. -
-
Suugaantu waa bilic -
waa beer dabiici ah -
baawar iyo awood badan -
lagu keydsha beerkoo -
murti baac leh weeyaan -
billad weeya dahabi ah -
biya aan gureynoo -
lagu ciilbaxaa waa -
bayaankeeda aan qoroo -
barri iyo haddeertaba -
u bandhiga dadkeygoon -
ugu baaqa gobanimo. -
-
Fannaaniinta soo baxay -
codka yey la baaqanin -
burseyntiyo cayaaraha -
barta loo caweystaga -
masraxyada ha buuxshaan -
walaalahan is-beernacay -
nabad ha ugu baaqaan -
qof walbana barkuu jira -
inuu buuxsha weeyaan -
booskii marnaadaa. -
-
Aqoonyahanadoow -
baxa booqda goboladoo idil -
beesha waxaad u sheegtaan -
boqornimada qarannimo -
baahida calanka loo qaba -
iyo gacal is-biirsada. -
-
Hablihii bahdeenoow -
kuwii laiga beeroow -
ama laila beeree -
badni ila wadaagoow -
barbarkiinna naga kaboo -
bixiyoo juhdiga hura -
daaweeya boogaha -
iyo beerkutaalada -
noo beernuglaadoo -
kaalaya ila baroortaay -
qabiilkana ka bayraay -
idinkaa boggiinniyo -
dhabta nagu barbaarshee -
bi'iwaayinoow kaca -
Baxsan gabadha-soomaal -
booyaas intaa tahay -
Yurub barafka kugu dili -
anna aan baroorani -
wallee waa bayuur culus.



Be First to Comment