1. Dacartuba marbay malab dhashaa ood muudsataa dhabaqe 2. Waxan ahay macaan iyo khadhaadh meel ku wada yaalle 3. Midigtayda iyo bidixdu waa laba mataanoode 4. Midi waa martida soora iyo maata daadihise 5. Midina waa mindiyo xiirayiyo mur iyo deebaaqe 6. Masalooyin talantaalliyaan maandhow leeyahaye 7. Nin majiira keliyuun qabsada hay malayninae 8. Marbaan ahay muddeex camal san oon maagista aqoone 9. Marna macangag laayaanahoo miiggan baan ahaye 10. Marbaan ahay muftiga saahidnimo mawlacaw gala’e 11. Marna Mukhawi waashoo xumaha miista baan ahaye 12. Marbaan ahay nin xaaraan maqdaca aan marin jidiinkise 13. Marna tuug mu’diya baan ahoon maal Rasuul bixinne 14. Marbaan ahay maqaam awliyaad maqaddinkoodiiye 15. Marna mudanka shaydaanka iyo maal jinbaan ahaye 16. Marbaan ahay murtiyo baanisaba madaxda reeraaye 17. Oo ay weliba muuniyo dulqaad igu majeertaane 18. Marna reer magaal loofaroon muuqan baan ahaye 19. Waxan ahay nin midabbeeya oo maalinbays roga e 20. Muuqaygu gelinkiiba waa muunad goonniyahe 21. Miisaanna ima saari karo nin i maleeyaaye 22. Muslinka iyo gaalada dirkaba waan micna aqaane 23. Malaa’igta naartiyo jannadu waygu murantaaye 24. Ninkii maalmo badan soo jiree madaxu boosaystay 25. Ee ina rag maamuli yiqiin waa i maan garanne 26. Ninkastoow halkii kuula mudan ee ay muhato laabtaadu 27. Ee aanad madadaaladeed ugala maarmaynin 28. Iska soo mar waa kuu bannaan marinkad doontaaye

Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim)
More from BoggasuugaantaMore posts in Boggasuugaanta »
Be First to Comment