Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax ka barta Jaamaaad Daystar ee dalka Kenya.
Xafladdaan casho sharafta ah oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa ka qaybgalay Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaad, Mardiya Abdi Mohamed oo kamid ah diblomaasiyiinta Safaaradda,ardayda Soomaalida iyo mart sharaf ale.
Hadal kooban oo ay halkaasi kas jeediyeen Xoghayasha 1aad, Mudane Abdullahi Mohamed Siyat iyo Mardiya abdi Mohamed waxa ay si gaar ah u ammaaneen ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadda Daystar, iyagoo bogaadiyay dadaalkooda waxbarasho iyo ka qaybgalka firfircoon ee ay ku leeyihiin hawlaha jaamacaddaasi.
Munaasabadda ayaa kusoo dhammaatay jawi wanaagsan oo ay ka muuqatay is-faham, is-ixtiraam iyo xiriir wanaag u dhexeeya ardayda iyo martida kale.



Be First to Comment