Press "Enter" to skip to content

Arday reer Sudan ah oo deeq waxbarasho ka helay Soomaaliya

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo dhaweeyey arday u dhalatay dalka Suudaan oo deeq waxbarasho ka helay Dowladda Soomaaliya, kuwaas oo waxbarashadooda sare ku qaadan doona Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxa ay mar walba xusuusanyihiin xiriirka walaaltinimo iyo taariikhda dheer ee ay la leeyihiin dalka Suudaan, oo leh abaal aan la illaawi karin.

Todobaadyada soo socdo waxaa dalka soo gaari doona arday kale oo reer Suudaan ah iyadoo kuwa maanta yimid ay ahaayeen qeybtii ugu horreysay.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r