Press "Enter" to skip to content

Arday aan gelin Imtixaanka Dowladda ee 2015 -2016 oo loo ogolaaday in la siiyo Shahaaddada

Muqdisho,(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xamse Cabdi Barre ayaa caawa ku dhawaaqay go’aanka Xukuumadda Dan Qaran ee ah in la cafiyay ardaydii Soomaaliyeed ee aan galin Imtixaanka Fasalka 12aad sannad dugsiyeedkii 2015/2016.

Ardaydan oo tiradoodu tahay 28 kun oo arday ayaa imtixaanka uga baaqday duruufo loo aqoonsaday maangal, sidaas darteed, ayaa waxa ay soo jeedisay Wasaaradda Waxbarashada  in loo fasaxo in ardaydaas ay u oggolaato Washaaraddu in ay u beddesho shahaadada fasalka 12aad ee dalladaha, kuwaas oo ay dhammaan xogtooda hayso Wasaaradda Waxbarashada.

Ra’iisal wasaare Xamsa ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu daah-furayay  Masraxa Prof. Shariif Saalax ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale munaasabadda waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Aqoonyahanno Soomaaliyeed iyo Raktarka Jaamacadda Umadda.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r