Press "Enter" to skip to content

Anoo Dhoor Leh

Gabaygii 2aad ee Ina Dubbe

Ina Dubbe oo aad moodo inuu Cali fiirsanayey ayaa mar kale u jawaabay isagoo waliba kala qaaday isla xarafkii “Dh” ahaa ee Cali ku qotomayey gabaygiisan dambe. Wuxuu yidhi:

  • Anoo dhoor leh gabay waanigii, dhigay hannaankiiye
  • Xaluunbay dhambaalladu sideen, dhawr ku soo ridaye
  • An dhaqaajo waatuu beryahan, dhabarka saarnaaye
  • Allahayoow dhawaaq run ah maxaa, Cali ku dheeraaday
  • Dhengeddiyo Haweenkaan ilmada, qaar ka dhiidhiyine
  • Dhashooday dagaalaan kolkay, dirid dhammaystaane
  • Wax ka dhigan qabiilkuu dhacee, weli dhex joogaaye
  • Dhammidii Ogaadeenka saw, dhexidh ma qaadsiinnin
  • Ma dhandhaamay reer Dalal sidii, dhugatadii qaanka
  • Dheeldheel miyuu kula kaftamay, dhagar intuu geystey
  • Uu weliba lama dhuumannine, Dhugadna gaadhsiiyey
  • Dhicis iyo miyuu dhankaa,Webi u dhaafsiiyey
  • Ma dhirbaaxadii lagu dhuftuu, dhaabado u raacshey
  • Dhoollaha kolkuu uga qoslay, gacal dhaweystaane
  • Inuu shalay dhalfiifaha ka dhigay, dhaadimahayaane
  • Dhalfa-weynayaashuu hayiyo, dhaafe gabaygiiye
  • Allahayoow rag layskuma dhirshee, dhoohanaa nimanku
  • Dhaantada iyo jiibtiyo orkaad, dhalasho mooddaaye
  • Dhallinyariyo waayeel kurtood, wax isma dhaamaane
  • Dhuuxoowda goortay maqlaan, dhaafe xoolaha’e
  • Dhusla orodka kaymaha xidhkii, dhuuban laga baydhye
  • Ku dhadhabe hadday dhebi sitaan, dhimasho geeryaade
  • Aaway Dhoonbirkiyo Maarrihii, lala dhabaynaayey
  • Dhulku idin liqyeey sow iyaba, koodu dhici mayo
  • Afartaa dhallaanku ha bartee, dhaw ma kaga siiyey
  • Dhaqso hadalka kii loo yidhaa, malaha dheecaane
  • Dhaxdin yarina meel doog leh, way kugu dhaweysaaye
  • Dhawaaq kalena way xaajadaa, dhaafay madaxooda
  • Dhudhumada ninkii kaa jebshee, shaqasho kaa haynin
  • Gadhoodhkiinni hadhaybuu Isaaq, maanta dhigayaaye
  • Waa lagu dhintaa Geelayaga, sida dhunkaaleeda
  • Ma dhaqaaqdo qoladii fardaa, dhuuban gelisaaye
  • Ma dhadhamin wadaadkii Hartiga, dhoon ka buuxsadaye
  • Haddii dheegga Haaneedka sumad, dheeri kaga taallo
  • Dhurwaaguba ma cuno tuugga aan, dhaqanse mooyaane
  • Isba dhuuni waa jecel yihiyo, sidigta dhaameele
  • Dhacaa laga horraysiiyayoo, dheeha malahayne
  • Dhirta debedda waakii fadhiyey, toban dharaaroode
  • Bal Dhulbahante Habar Yoonis, muu dhiinka kala gooyo

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r