Press "Enter" to skip to content

Annagoo Taleex Naal

The largest online collection of Somali poetry

    Annagoo Taleex naal, jahaad taladi soo qaadnay Toddobaatan boqol oo Darwiish, togatay neef doorka Sayidkeennu tii uu na yidhi, torog ku heensaynnay

    Wareegada waxay uga tawalin, yaan wax kaa tegine Sibraar caana geel loo tabcaday, talax ku sii maallay Misna tawlka qaalmaha niniyo, tulud u soo saarray

    Ilaahay ha tabantaabiyee, noogu tacab khayrka Shakadaha intuu noo tamilay, tiisa nagu waani Tiirkii Rasuulkiyo sharciga, toog ku wada fuullay

    Galabtaa taxaabiyo kadlaba, toobiyaha qaadnay Habeenkii fardaha waw turnaye, taag ku sii mirannay Tun biciida lagu qoofalyoo, xamashka loo taabay

    Goortii ay Talaaduhu dhaceen, talalayoo reemay Tixda gabay kolkii aan akhriyey, toose niman jiifay Tiraabkaygu meeshu ka baxay, la isku soo tuumi

    Salaaddii markii loo tukaday, yaari kaga taagnay Togga Ulasameed dooyadii, horay u tuuryaynay Intay Timacad noo soo arkeen, marada noo taage

    Sengeyaal tabaadihiyo gool, weerarka u tooxnay Sidii Teyse rooboo onkoday, tiririgtii yeedhay Teeriyo Berbera qayladii, tahan la waydaaray

    Tiiraanyo ololkii dhulkii, taani naga qaaday Taf-wareemanmaynine intaan, tubay ku aanshaaday Taambuuglayaaliyo kuway, tebaysey soo gaadhe

    Annaguna dagaal kama tagnee, tiimbad ugu rooray Tala xumada awrtuu xidhay, baqi tarraarsiinnay Girligaanku meeshu turqaday, lagu tunsii geela

    Tirsanmaynin uunkii tirmiyon, Tulushle Iiddoore Turjubaannadii daba socdiyo, Koofi lagu toogay Maadhiin turaabtaa ka badan, tuurta kaga qaadnay

    Gaaladu waxay tacab lahayd, taabnay subaxaaba Tukihii intaan niman u wadhay, tobanle soo qaatay

    Galabtaa carraabada ku timid, Turugga Buuhoodle

    Gebagebo u tooxnoo Kufriga, Maarre kaga teednay Habeenkaa ninkii tabar badnaa, tarantarree gaarka Habeen kalena taxaasheey Nugaal, Godan u tuuryaynnay

    Habeen kalena Tuuraha Cadduur, toolin kaga maallay Habeen kalena Tagaabeeye iyo, tu’innay Hayllaawe Habeen kale Dariiqada tubnoo, toosan lagu qaybsay

    Toban gool tabaadiga noqdiyo, toban unuun-gooyo Iyo toban tiftii hore rimayoo, taawi lagu qooqshey Iyo toban abeer tawl ahoo, tikhilka qaalmooda

    Iyo Toban irmaanoo aniga, la igu taageeray Iyo taan eryoon jirey kolkay, toban tahaan joogto Tookh laguma faaniyo afaan, taabbud noqonayne Intaa Xarunta soo tubay, xaqaa lagu tanaadaaye

    Warka Tuurre waa laga hayaa, taniyo Iimeeye Waa Xamar tarraaroo haddana, taab ku sii daraye Taltallaabsigiisiyo kadlaha, tabo kalaw dheere

    Kolay toban riyaad tahay adduun, waydin tirayaaye Tunkaana waan ka soo xidhahayaa, Timirki dheeraaye Ma baddaa tuldaha loola kici, Tuurre naaxsadaye?

    Tafantoofka gaalkuu u dilay, waa tix geliyaaye Suuldaan Ruunna loo tebi, inaan tuuladii gubaye Tulud uma godlaan reeruhuu tawl ka saanyadaye

    Anigana tis bay galay intaan, col ugu taagnaaye Tima soohanloow Eebbahay, kuma tabaaleeyo

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r