Madaxweynaha dowladda kumeelgaarka ah ee Suuriya, Axmed Al-Sharca, ayaa ugu baaqay kooxaha uu ku tilmaamay inay yihiin haraadigii nidaamkii hore in ay isku soo dhiibaan dowladda, hubkana ay dhiibaan inta aysan wakhtigu ka dhicin.
Al sharac ayaa sheegay in kooxahani ay isku dayayaan inay tijaabiyaan awoodda dowladda cusub ee Suuriya oo aysan si fiican u aqoonin.
Axmed Al-Sharac ayaa sheegay in dowladda cusub ee Suuriya aysan marnaba u dulqaadan doonin kooxaha hubaysan ee ka baxsan dowladda, isagoo ku celiyay in ciidamada ammaanka ay mas'uul ka yihiin ilaalinta nabadda iyo xakameynta hubka oo gacanta dowladda kaliya lagu koobo.
Dhanka kale, hay'adda xuquuqul insaanka ee Suuriya (Syrian Observatory) ayaa sheegtay in ugu yaraan shan goobood ay ciidamada ammaanka iyo difaaca ee dalkaasi ka fuliyeen xasuuqyo ka dhan ah dad rayid ah, kuwaasi oo ka dhacay magaalada Baniyas ee gobolka Tartus iyo deegaanno ku dhow magaalada Jablah iyo Lattakiya, Maalintii shalay oo Jimco ahayd.
Ururka ayaa sheegay in weerarradan lagu dilay dad kor u dhaafaya 200 oo qof oo rayid ah iyadoo dadka lagu dilay goobahooda guryahooda. Sidaas darteed ayay dowladda cusub ee Suuriya ugu baaqeen inay tallaabo degdeg ah ka qaaddo kuwa falalkaasi gaystay si looga hortago in dembiyadan oo kale ay mar kale dhacaan mustaqbalka.
Ururka ayaa sidoo kale uga digay dowladda in haddii aan dadka dambiga galay lala xisaabtamin, ay sababi karto in falalka noocaan ahi sii socdaan oo ay dadka rayidka ah sii dhibaataysan yihiin
Comments are closed.