Waa gabay wadani ah oo uu abwaanku Soomaalida kula hadlay kuna dareensiiyey gaalka, gumaysiga, iyo gododkooda khayaamada ee ay dushaa sare ka seynsaabayaan. Wuxuu yidhi:
-
Ingiriis Axmaariyo Talyan, wey akeekimiye
-
Arligaa la kala boobayaa, nin u itaal roone
-
Anse ila ah Aakhiru Sabaan, iligyadiisiiye
-
Orgigaa riyaha taadaxoo, oodda faaliga e
-
Waa duni hablihii loo ogaa, aqalka diideene
-
Anse ila ah Aakhiru Sabaan, iligyadiisiiye
-
Waa duni la kala iibsadayoon, nala ogeysiine
-
Waa duni akhyaartii go’dayoo, aaran soo hadhaye
-
Waa duni ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye
-
Anse ila ah Aakhiro Sabaan, iligyadiisiiye
-
Waa duni xaqii la arkayaa, la arjumayaaye
-
Waa duni akhyaartii lahayd, iib ku doon tahaye
-
Anse ila ah Aakhiro Sabaan, iligyadiisiiye
-
Afka iyo adduunkaa hadloo, awdan sadarkiiye
-
Ninka gacanta midig oodan tahay, laga ilroonaaye
-
Anse ila ah Aakhiro Sabaan, iligyadiisiiye
-
Nimanyahow bal daya xaajada, lala aguugaayo
-
Odayaashan loo yeedhay ee, la anfac siinaayo
-
Asxaabihii bayna yidhi, gaal ha aaminine
-
Haddaad niman Islaamiyo tihiin, Aadan faracdiisa
-
Oo aydnaan Ilaahay ka go’in, hayna oodina’e
-
Hadduu awrka dooxada ku furo, eel kalaa xigiye
-
Inaga daaya yaynaan ku dhicin, bahal afkiisiiye
Be First to Comment